Prof.Cabdiweli Gaas iyo Dr.Cali Xaaji Warsame oo canbaareeyey qaraxii ka dhacay Bosaaso[Daawo]
December 5, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Inta badan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Puntland ayaa can baareeyey qaraxii ka dhacay magaalada Boosaaso iyagoo ugu baaqay dowladda Puntland ee talada dalka haysa in ay ilaaliyaan amniga , sharafta , maalka iyo nafta bulshda. Dr. Cali Xaaji Warsame iyo Prof.Cabdi Weli Gaas oo shir jaraa’d ku wada qabtay magaalada Garoowe ayaa eedeeyey ciddii ka danbay say qaraxii ka dhacay magaalada Boosaso waxaaan ay xuseen in ay ka xun yihiin dadkii shacabka ee lagu laayey qaraxii ismiidaa minta ahaa ee iyagu aan wax danbi ah gelin.
Ugu danbayntii Dr. Cali Xaaji Warsame iyo Prof.Cabdi weli Gaas ayaa tacsi si wada jir ah ugu diray qoysaskii iyo eheladii ay dadkooda ay ku dhinteen qaraxii ka dhacay saaka Boosaaso.
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id Dr. Cali Xaaji Warsame iyo Prof.Cabdi weli Gaas
Source Video-ga waxaa Leh Horseedmedia.net
M_M_Deeq,Halgan,net