Xog laga helay qofkii fuliyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso
December 6, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidanka Sirdoonka ee Puntlland ay aqoonsadeen qofka qaraxa fuliyey iyo weliba meesha laga soo abaabulay qaraxii shalay ka dhacay Boosaaso. Warar hordhac ah ayaa sheegay in ciidanku ay marka hore aqoonsadeen gaariga loo adeegsaday qarax ka dibna dabagal ay sameeyeen ay heleen xog badan oo la xiriirta qaabka iyo cid fulisay qaraxii shacabka Boosaso shalay lagu laayey.
Warar hoose ayaa sheegay in la filayo in Saraakiisha ciidanka badda Puntland iyo kuwa Sirdoonka Puntland PIA ay la hadli doonaa saxaafada marka ay soo dhamaystiraan baaritaankooda iyagoo sheegi doono xogta ay ilaa hadda heleen. Warar hordhac ah oo ku soo dhacay warqabadka Halgan.net ayaa sheegay in la aqoonsaday magac shaqsiga fuliyey qaraxii Boosaaso waxaan magaciisa lagu sheegay Axmed Ibraahim Axmed Aadan waxaana uu ka soo jeedo gobolka Shabeellada dhexe.
Dhinac kale ciidanka Sirdoonka Puntland ee PIA ayaa la sheegayaa in ay qabteen ilaa 5 qof oo la sheegayo in ay yihiin kuwii wax ka fuliyey qarax mid ka mid ahna yahay Ajnabi.
Wixii soo kordha oo dib ayaan idnkaga soo tabin doonaa insha Allaahu
M_M_Deeq
Halgan.net