Madaxweynaha Puntland waan aqoonsanay cid fulisay qaraxii Boosaaso.[Dhagayso]
December 6, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa saaka waxaa ay ka dhoofeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe iyagoo ku sii jeeda dalka Itoobiya.Wafdiga uu hogaaminayo Madax waynaha dowladda Puntland ayaa waxaa ay ka qayb galayaan xaflad ay qowmiyadaha dalka Itoobiya loo qaban doono kana dhici doontaaa Magalada Jig-Jiga caasimada dowlada degaanka Soomaaliyeed waxaan ka soo qayb galay wufuud ka kala imaanaya aduunka.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in safarka maanta uu dalka uga dhoofayo uu yahay mid adag marka la eego qaraxii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso balse safarkaan uu ahaa mid sii qorshaysnaa.Dhinac kale Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa waxaa uu shaaciyey shaqsiga ka danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Boosaaso waxaan uu magaciisa ku sheegay Axmed Ibraahim Axmed Aadan deegaan ahaana uu kasoojeeda Gobalka Shabeelaha dhexe ee Koonfurta Somalia.
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay ilaa 5 qof oo lala xiriirinay qaraxii shalay ka dhacay Boosaaso dhamaan toodna la xiray welina uu socdo baaritaan. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa yiri. ” Waan aqoonsanay qofkii fuliyey qaraxi Boosaaso cid walba oo gacan ku siisayna waa qabanaynaa oo gacanta dowllada bay soo galayaa ee taas ha la ogaado , cid qabsan karta ma jirto dadka ku nool Puntlland kuwa dilaya culimadood iyo masuuliyiinta dowladda taas ha ogaadeen.”
Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay fulaynimo in qarax intii la dhigo meel shacabku ku badan yahay oo Suuq ah haddana la yiraahdo guulbaan gaarnay, Dhinac kale Wasirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan iyo Saraakiil ciidan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in xog rasmi ah ay hayaan markii baaritaanka uu dhamaadana ay ay u soo bandhigi doonaa saxaafada.
Hoos ka Dhagayso Shirkii jaraaid ee Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Faroole
M_M_Deeq
Halgan.net