Musharax Maxamed C/Nuur oo si balaaran loogo oo dhaweeyay magaalada Bosaaso.[Masawiro]

December 6, 2013 - Written by Editor

mush 6Boosaaso:-Musharax Maxamed C/Nuur Xirsi oo ka mid ah musharixiinta u Taagan doorashada Madaxtinimadda Puntland ee 8 January 2014 ayaa Maanta si Meeqaam Sare leh loogu soo dhaweeyey Caasimadda Ganacsiga Puntland ee Bosaso.  Musharax Maxamed Cabdi Nuur oo ka soo kicitimay shalay Caasimadda Puntland ee Garoowe, soona maray magaalooyinka Qardho, Waaciye ,Carmo, iyo magaalooyin kale ayaa Boqolaal Qof oo isugu jiray Aqoonyahano, Cuqaal, Nabadoono, culuma’udiin, Dhalinyaro iyo Haween ay kaga hor tageen Musharax Meel 10km u jirta Magaaladda Bosaso, Kuwaas oo watay Sawirka Musharaxa .

Musharax Maxamed c/nuur Xirsi  ayaa uga mahadceliyay Dadweynihii Faraha Badnaa ee Habka Meeqaamka Sare kus oo dhaweeyay, Waxaana uu sheegay in  Bosaso ay tahay Magaaladiisii, uuna filayay in si wanaagsan ay Dadka Reer Bosaso u soo dhaweyn doonaan

“ Ma heli karo waxaa ku cabiro, Farxadayda saaka aan Bosaaso ku soo galay, Kalmaad Soomaali ah oo aan ku cabiro waa igu adag tahay, Waxaan u soo jeedinayaa Bosaso, Rag iyo dumar, Caruur iyo Ciroole Mahad ballaaran sida wanaagsan ee taageerada ah, ee kalgacalka ah, ee Walaaltinimad ah ee ay ii soo dhaweeyeen aad iyo aad baan uga mahadcelinaynaa waa magaaladayadii, Waanu ogayn in la nagu soo dhawaynayo”

Musharax  Maxamed C/nuur oo ah Nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Puntland, waxaa uu sheegay in Magaaladda Bosaaso ay tahay Asaaska Ganacsiga Puntland, oo Haddii uu ku guulaysto Doorashadda Madaxtinimadda Puntland ay noqon doonto Hoygaygii.

no images were found

Musharax Maxamed C/nuur  ayaa 21 Bishii hore ee November 3013 Magaaladda Garowe, kaga dhawaaqay inuu u taagan yahay Doorashadda Madaxtinimada Puntland ayaa inta uu jooga Magaaladda Bosaso, Waxaa uu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee Bulshadda Bosaso, Waxaana uu soo bandhigi doonaan barnaamijkiisa Siyaasadeed ee Doorashada Madaxtinimadda Puntland.

Omar Siciid Mohmed

isse80@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online