Kulan muhiim ah oo ka dhacay Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood.[Masawiro]
December 6, 2013 - Written by EditorLaascaanood:-Kulan aad iyo aad muhiim u ah ayaa waxa uu ka dhacay Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanood, ee xarunta Gobolka Sool, kulankan ayaa waxaa loo qabtay dhammaan ardayda dhigata Machadka wiilal iyo gabdhaba, kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa ujeedooyinkii loo qabtay :
1. In la helo fursad culimada iyo ardaydu wixii talo iyo tusaale ah ay isku weydaarsadaan.
2. In la xoojiyo xidhiidhka walaaltinimo ee ardada u dhexeeya.
3. In ardadu is dhexgalaan isna bartaan .
4. Waxaa isaguna ujeedooyinka ka mid ahaa in fasalo tartamay kuwoodii guulaystay abaal-marinno la gudoonsiiyo .
Kulankan ayaa waxaa ka hadlay maamulaha Machadka Al-furqaan Shiikh.Yuusuf Haybe Ibraahim oo tibaaxay hadafka kulankan loo qabtay, waxaa kale oo kulanka ka hadlay Shiikh. Cabdinaasir Xaaji Axmed (Faraa’id), Eng.Jaamac C/llaahi Caydiid iyo Shiikh Axmed Cabdisamad oo isagu safar dacwo ku maraya magaalada Buuhoodle iyo Laascaanood.
Dhamaan culimada ayaa waxaa ay ardayda wiilala iyo gabdhaba u jeediyeen waanooyin iyo talooyn wax ku ool ah. Hadlka waxa marka hore qaatay Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed (abu muxamed) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Alle ku galadaystay ummadda soomaaliyeed waxaan uu shiikhu aad ugu dheeraaday taariikhdii machadka alfurqaan uu lahaa laga soo bilaabo 1994 oo ahayd taariikhdii la aasaasay ilaa maanta iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo kaalintii uu machadku u buuxi yey ummadda Soomaaliyeed, Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed (Faraa’id) ayaa waano iyo talo ka dib majaalka u furay ardayda si ay u soo jeediyaan wixii ay talo iyo tusaale hayaan amaba su’aalo ah oo ay weydiinayaan culimada ,araydada ayaa iyaguna dhankooda si xiiso leh u soo gudbiyay talooyin wax ku ool ah.
no images were found
Ugu danbayn waxaa abaalmarinno la gudoonsiiyay fasalo tartamay kuwoodii guulaystay, waxaa kale oo la qaybiyay abaalmarinno lagu bixinayay imaatinka kulanka oo dadkii lasiiyay loo soo xulay doorasho ay culimadu dooranayeen lanbar kamid ah lanbaro loo qaybiyay ardayda, kulanka ayaa waxa uu ku dhmaaday jawi farxad iyo raynrayn leh.
Machadka Al-furqaan
Laascaanood, Somalia