Sh.Axmed c/samad oo la kulmay golaha Ardayda ka baxday Machadka Al-furqaan ee Laascaanood.[Masawiro]
December 6, 2013 - Written by EditorLaascaanood:-Shiikh.Axmed c/samed oo ah madaxa fulinta Jamaacada Al-ictisaam ahna gudoomiyaha raabidada Macaahida shareecada Soomaaliya ayaa kulan uu la qaatay xalay golaha ardaydii ka baxday Macachadka Al-furqaan kala hadlay mawaadiic kala duwan una soo jeediyay talooyin dhaxal gal ah .Waxaa uu sheekhu ardayda ku booriyey inay dacwada gaadhsiiyaan dhamaan tuulooyinka iyo miyigaba iyo in sidoo kale loo baahanyahay in culimadu dacwada gaadhsiiyaan wadamada deriska ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee daafaha dunidiisa ku dhaqan.
Sheekh Axmed Cabdisamad ayaa ka waramay heerka uu iclaamku ku leeyahay ka qaybqaadashada dacwada iyo fidinteeda isagoo ku booriyay golaha in ay kor u qaadaan fir fircoonidooda dhanka iclaamka waxa kale oo uu sheekhu ka warbixiyay halka ay marayso dacwada wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba ka jirta .
no images were found
Dhinac kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay culimo iyo aqoonyahano ay ka mid yihiin Sh. Axmed Maxamed Sulaymaan, Sh.Yuusuf Haybe Ibraahim maamulaha macahadka Al-furqaan iyo Eng.Jaamac Cabdilaahi Caydiid iyo qaarkaleba. Ugu danbayntii waxa sheekhu su,aalo iyo talooyin ka dhegaystay qaar ka mid ah ardayda ka soo qayb gashay kulanka
Machadka Al-furqaan
Laascaanood. Somalia