Boosaaso yaa qarxiyey?!!. W/Q: Sh. Fu’aad Maxamuud Xaaji. Nuur

December 6, 2013 - Written by Editor

qaraxBoosaaso:-Shalay aniga oo si u wajacsan oo is iri xoogaa meel ku naso ayaa farriini ii soo dhacday, waxaa ku qoran qarax weyn baa dhacay dad badan baana wax ku noqday faahfaahinna weli lama hayo, markiiba waxaan bilaabay in aan dad kala duwan la xiriiro laakiin taleefannadii aan garaacay qaarna mashquul ayey ahaayeen qaarna waa la qabanwaayey!!, aad ayaan u naxay waxaan illaawey xoogaagii aan sheeganayey waxaan bilaabay in aan Alle ka baryo in khasaaruhu yaraado.

Muddo kaddib ayaan helay nin saaxiibkay ah wuxuu ii sheegay aagga qaraxu ka dhacay iyo qaabka wax u dheceen, wuxuu kale oo uu iigu daray dhimashada iyo dhaawaca tiradooda oo aan weli lasoo wada af meerin.Waa yaab maxaa dadku galabsadeen?, maxaa warjeefka sababay?, yaase waxaan soo maleegay oo fuliyey?, intuba waa su’aalo kugu soo dhacaya markiiba kaagana baahan jawaab!!.

Waxaan markiiba isku deyay bal in aan mareegaha Soomaalida eeg eego gaar ahaan dadka wax qarxiya meelaha ay wax ku qoraan, mise kulli waxaa ku qoran niman caddaan ah oo qarax lagula beegsaday Boosaaso!!!. Meesha qaraxu ka dhacay waa suuqa Boosaaso gaar ahaan dariiqa ka yimaada Masjidka Rawda ee soo aada suuqa caanaha, waa meel aad u saxmad badan oo saacadaha barqadii ah ay adagtahay in lug lagu maro gaarina warkii daa!!, waxaa markiiba igu soo dhacday islaantii Mallaayga ku shiili jirtay xafiiska shirkadda Horseed dhiniciisa suuqa xiga, waxaanse murugooday markii la ii sheegay in ay qarixii ku dhimatay!!, muddo ka dib waxaa la ii sheegay saaxiibkay Saanje xaaskiisu in ay ku jirto dadka dhintay!!, in yar kaddib waxaa la ii sheegay ganacsadihii lahaa Oomaar Spare parts in uu isna meesha ku dhintay!!, xoogaa yar kaddib waxaa la ii sheegay in islaan uur leh ay iyana meesha ku dhimatay!!, Allaha u naxariisto dadkaas meesha lagu xasuuqay ee muslimiinta ahaa kulligood.

Dhaawucu waa tiro dhaaf, waxaa la ii sheegay in ina Cabdi Dharaar oo uu dhalay ninkii dhisay masjidka Rawda markiisii hore, ina Cabdi Dharaar waa wiil dhallinyaro ah waa mu’ddinka masjidka Rawda, waa wiil cibaado badan oo aan khayr ku aqaan aad ayaan uga naxay, waxaanse ilmeeyey markaan xusuustay Xaaji Cabdi Dharaar oo in muddo ah xanuunsanaa masjidkana shanta salaadood lagu keeni jiray isaga oo kursi tayirro leh (Wheel Chair) lagu riixayo!!, inankaan uu dhalay ee dhaawacmay waa baarrigii kursiga ku riixi jiray oo wadi jiray!!, waxaa la ii sheegay gabar yar oo dumaashiday ah iyadana in dhaawac gaaray!!, Alloow intii dhaawacantay u booga dhay oo dambi dhaafna uga dhig.

Runtii dadka la warjeefay ee danahooda ku hawllanaa ee muslimiinta ahaa waxba ma galabsan ee gardarro ayaa loogu yimid, laakiin dadka falalkaan foosha xun dhaqanka ka dhigtay ee aan cidna u arxamayn ayaan dhiigga muslinku koob shaaha ugu fadhiyin!!. Waxaa ka sii yaab badan kuwii fuliyey weli ma sheegan!!, toloow sababtu maxay tahay?, ma dib ayey ka sheegan doonaan?, mise markii la arkay nooca dadka la gumaaday ayaa lays yiri tani ma gadmeysee inka daaya?, mise waa gaade cusub oo ah dil oo u aamus!!.

1996dii ayaan aniga iyo rag saaxiibaday ah ku booqannay aqalkiisa Allaha u baxariistee Aw-Daahir Af-qarshe waxyaabihii uu maalintaas noo sheegay waxaa ka mid ahaa in Sayid Maxamed, Ismaaciil Mire iyo Cali dhuux ay gabay subciyeen iyagu xilligaas wada daraawiish ah laakiin Sayidka iyo Cali ay xinnifi dhextaal.

Sayidka ayaa bilaabay oo yiri:- Wax dulliya nin aan deel iyo daalka kala soocin.

Wuxuu cambaaraynayaa aqoon la’aanta weliba midda sii xeel dheer oo gaarsiisan in qofku labadaa xaraf ee alifbeetada carabiga

isku xiga uu kala sooci waayo.

Ismaaciil Mire ayaa yiri.

Wax ka daran nin darab la’aan dumar wax weydiiyey.

Wuxuu leeyahay war kaad sheegtay sayidoow waa sahalo e waxaa ka liita ardaalka intuu kalleetiyey haddana asagoon istijoon islaantiisii ka xaajaystay oo manidii daahirka ahayd kaadi najaaso ah ku barxay.

Cali dhuux baa qaatay oo yiri.
Wax ka daran nin been dacwiyey oo dhaarna daba joojay.

Wuxuu isna leeyahay Ismaaciiloow adiga iyo saydkaba tiinnu waa sahal iyo hooyo subag ku marisay ee waxaa ka liita mid been dacwooday oo dhaarna ku adkeeyay. Aw-daahir ayaa yiri waxaa mirkii helay Cali dhuux laakiin Sayidku wuxuu siiyey libintii gabayga Ismaaciil maadaama xinnifi ka dhexaysay isla markaasna uu tuhmay in uu isaga u duur xulayo.

Haddaba Soomaaliyeey nin leh diin baan wataa, muslinkaan wax tarayaa, gaalaan la dirirayaa misana suuqa qarxinaya, dilaya shiikhii, habartii mallaayga dubaysay, kii ganacsadaha ahaa gabadhii xaamilka ahayd ee adeeganagsay, ilmihii iskuulka ka soo noqday, markuu rabona sheeganaya markuu rabana kuu aamusaya soo ma aha nin been dacwiyey oo dhaarna daba joojay!!.

Waxaan Allaah ka baryayaa in muslinka la warjeefay uu u naxariisto, kuwa dhaawacan uu caafimaadsho xubnaha ay waayeenna beddel khayrqaba uu ugu beddelo, inta eheladoodu si gaar ah wax ugu noqotayna uu samir siiyo, anaga oo dhanna uu samir na siiyo, naga xifdiyo sharta ma arxamayaasha.

W/Q: Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur
Halgan.net,Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online