Ma siman yihiin? W/Q Sh Xassan M. Ibraahim

December 9, 2013 - Written by Editor

culimoBoosaaso:-Culimada Puntland joogta iyo kuw ay isku manhajka yihiin ee dunida dacalladeeda kal jooga waxay wali ku howlanyihiin sidii ay ugu gurman lahaayeen dadkii soomaaliyeed ee ku tabaaloobay duufaantii ku dhufatay deegaanno ka mid ah puntland,waxay dadkaas tabaaley san ugu tageen goobihii masiibadu ku haleeshay, waxay la gaadheen wixii ay u heli kareen walaalohooda kalena way ugu qaylo dhaamiyeen si wax loo taro.

Waxaan warbaahinta ka aragnay culimadii oo dhex sodca dhulkii duufaantu ka dhacday oo u kuur galaya xaaladda dadkii duufaantu haleeshay,waxaan aragnay iyaga oo xaafuun iyo garduush taagan oo lugeynaya deegaannada qarxis,xoolo keen,ayl iyo inta u dhow,waxay ka damqadeen oo guryohoodii uga soo tageen dhaawaca walaalohood gaadhay waxayna gudanayeen waajibka is gargaaridda ee muslimiintu isku leeyihiin.

Culimada goobta dhibaatadu ka dhacday tagay waxaa ka mid ahaa kuwo dibadaha ka yimid iyaga oo walaalohood gurmad u wada waxayna ku kaaftoomi waayeen inay lacag kaliya u diraan waxayna tabayeen in hiilka xaaladahan oo kale looga baahnyahay uu ka badanyahay lacag kaliya,waxay dareemayeen in walaalohood ay arkaan iyaga oo goobtoodii ugu yimid inay dadka wax badan dhibaatada ka fududeyneyso ayna dhiirri galin u noqoneyso inay arkaan inay leeyihiin walaalo islaamnimadu kulmiso oo u damqanaya danohoodana uga soo tagaya meel kasta oo ay joogaanba.

Culimada dadkaas dhibaateysan ugurmanaysay dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba waxay u arkaan dadkoodii iyo walaalohood way u diir naxayaan haddii dhibaato soo gaadho wayna ku farxayaan haddii guul ama khayr kale u soo hoydo maxaa yeelay waa muslimiin mudan in la xigteysto dhib iyo dheefna lala wadaago.

Culimada dibadaha gurmadka ka soo abaabulayay ee aan goobta imanin waxaan ogahay inay jeclaan lahaayeen inay fursad u helaan inay indhohooda ku soo arkaan sida wax u dhacay iyo dhibku inta uu la egyahay laakiin ay duruufi u diidday,dano kale oo umadda wax tar u lehna ay ku mashquulsan yihiin.

Muuqaalkaas bal barbar dhig muuqaalka kuwa maalmo ka hor dadka muslimiinta ee aan cidna wax dhib ah u geysanin ku qarxiyay suuqa magaalada boosaaso,ma kula tahay in haba yaraatee ay wax naxariis ah u hayaan dadka soomaaliyeed? mase la dhihi karaa waxay la mid yihiin kuwa hadh iyo habeen la taagan war yaan dadka muslimiinta ah dhiiggooda la daadinin ee haddana u tafo xaydan sidii iyo midkii dhibaateysan wax u tari lahaayeen.?

Al-shabaab shaqada ay wadaan waa inay inta nool laayaan inta dhibaateysanna digiigix uma hayo,culimaduna waxay ku howlanyihiin in dadka noloshooda la ilaaliyo intii dhibaateysanna dhibka laga khafiifiyo intii suura gal ah, culimadu dadka wax bay barayaan kii baahanna wax uu ku baahi beelo ayay siinayaan ama u raadinayaan, shabaabna bam iyo qarax ayey la baadi goobayaan waxayna u warjeefayaan sidii adhi weer galay.

Arrintani sow daliil cad uma ah in dadka odhanaya wadaaddo ayaa dadkiii gumaadaya oo qixinaya ay xaqiiadaas iska indho tirayaan ayna isku mid ka dhigayaan waxyaabo aan isku mid aheyn,sow looma fahmi karo in dicaayadda noocas ah ay tahay mid u eeddo leh oo dooneysa in umadda culimada iyo diinta la nacsiiyo? sidee baa isku mid looga dhigi karaa Sh. Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan iyo Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo kuwii dilay? sow xaajo caddaaladda iyo caqligaba ka fog ma aha.

W/Q Shiikh Xassan M. Ibraahim

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online