Madaxweynaha DFS oo dhawaan magacaabi doona Ra’iisul wasaare cusub

December 11, 2013 - Written by Editor

xassanMuqdisho:-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud uu ku gudo jiro wadatashigii ugu danbeeyey ee uu ku soo magacaabi doono Ra’iisul wasaaraha cusub. Warar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha DFS Xassan Sh.uu qaabilay xubno badan oo u ordaya in ay qabtaan xilka Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa xubnaha uu ilaa hadda la kulmay waxaa ugu cad cad ilaa 3 masuul oo u sharaxan in ay qabtaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay kala yihiin:-

1.Xuseen Cabdi Xalane

2.. Nuuradiin Adam Diiriye

3.Cabdiwali Cilmi Goonjeex

Madaxweynaha DFS ayaa la filayaa in saddexdaan masuul mid ka mid ah uu u magacaabo xilka Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya walow ay dhici karto in uu jiraan shaqsiyaad kale oo loo magacaabi karo xilkan.

Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud ayaa safar ku aadi doono dalka Kenya waxaan uu uga soo qab geli doonaa  xuska 50 guuradii ka so wareegtayu markii Kenya ay qaateen xoriyada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online