Gudiga gurmadka culimad oo 8000 kun oo neef u qaybiyey qoysas cayroobay.[Cod/Masawiro]

December 13, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Gudiga gurmadka Culimo’udiinka ku nool deegaanada Puntland ayaa saaka waxaa ay xoolo u qaybiyeen  dadkii Soomaaliyeed ee ku cayroobay roobabkii dabaylaha iyo duufaanta watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland. Culimo’udiin uu hogaaminayo Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiinta ka tirsan Muss’adda Al-minhaaj ayaa  saaka u baqoolay degaanada ku teedsadn degaanka Qarxis waxaan la socday Issimo , Cuqaal iyo weilba Madaxweynaha Puntland Dr C/raxaam Faroole iyo qaar ka mid ah golahiisa wasiirada waxaan ay  goob joog ka ahaa xoolaha loo qaybiyey dadkii cayroobay.

Issimada saaka goob jooga ka ahaa xoolaha loo qaybiyey dadka cayroobaya ayaa waxaa ka xusi karnaa  Islaan Ciise Islaan Maxamed ,Suldaan Siciid Maxamad Garaase ,Suldaan Cabdisalaan Maxamuud iyo issimo kale. Culimada iyo dhamaan madaxdii ka soo qayb gashay xoolo qaybinta ay waxaa ay u duceeyeen oo mahad balaaran u soo jeediyeen  dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee deeqaha lacagaha soo gaarsiiyey gudiga gurmada culimada iyo Mus’ssadda Al-minhaaj oo muujiyey howl karnimo.

Shabakadda wararka Halgan.net oo la hadashay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf isagoo dib ugu soo laabtay degaan Qarxis saakana ka socdaalay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu uga warbixyey xoolaha la qaybiyey tiradooda oo gaaraysay ilaa 8600 Sideed kun iyo lix boqol oo neef. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa noo sheegay in maalintii shalay ahayd la isku keenay ilaa 15.000 kun oo neef oo Ari ah loona asteeyey ilaa 3 goobood oo ay gudiga gurmadka culimadu ay u asteeyeen.

no images were found

Goobta ugu horeysay oo maanta lagu qaybiyey xoolaha ayaa waxaa la yiraahdaa degaanka Tabin waxaana la geeyey ilaa 8600 sideed kun iyo lix boqol oo Ari ah, halka tuulo u dhow degaanka Qarxis la geeyey ilaa 5000 kun oo neef , waxaa kale oo jirta goob saddexaad oo la yiraahdo Dabeecadleyna waxaana la geeyey Ari ku dhow ilaa 2000 kun oo neef. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa noo sheegay in maalinta beri ahna ay qaybin doonaa xoolo kale.

Hoos ka dhagayso Warbixnta Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf uu siiyey Shabakadda wararka Halgan.net

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online