Dagaal khasaaro badan geystay oo ka socda Gobolka Shabellaha Hoose

December 15, 2013 - Written by Editor

dagaalJanaale:-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dagaal ay qeyb ka yihiin ciidanka DFS oo salka ku haya qabiil uu ka socdo deegaanada Janaale iyo Awdheegle waxaana dagaalka uu barakiciyey dad rayid ah oo beeraley ah .

Labada beelood ee haatan dagaalka ka dhex socdo ayaa mid walba waxay ku doodeysaa in iyada duulaan lagu soo qaaday .waxaana qola walba gadaal ka riixaya madax iyo saraakiil ka tirsan DFS.

Dagaalka ayaa waxaa si toos ah uga qeybqaadanaya ciidanka DFS oo u kala baxay labada beelood ee ku dagaalamaya gobalka Sh /Hoose waxaana uu dagaalka ku dhintay ilaa shalay 10 qof waxaana ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan.

Illaa iyo hada ma jiraan cid ka tirsan DFS oo ka hadashay dagaalka ka socda gobalka shabeelada Hoose . Waxgaradka Beesha Biyamaal ayaa ku eedeeyey saraakiil ka tirsan DFS in ay barakicin ku hayaan beeshooda.

Dagaalada ka socda gobalka shabeelada hoose ayaa salka ku haya dhulka beeraha iyo deegaanka oo ay isku heystaan labada beel waxaana dagaalada sii hurinaya siyaasiyiin iyo madax ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online