Wafdi Culimo ah oo uu hogaaminayo Sh.Axmed c/samad oo tegay Laas-caanood.[Masawiro]
December 20, 2013 - Written by EditorLaascaanood:-Waxaa shalay galinkii hore soo gaadhay mar kale magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool culimo ka kala timid goballada Soomaaliya oo uu hogaaminayo Sh. Axmed cabdisamed oo ah ( madaxa golaha fulinta ee jamaacatul ictisaam). Culimadan ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed cabdisamed , Sheekh c/qani aw saalax (madaxa dacwada iyo tacliinta ee jamaacatul ictisaam), Sheekh.c/fataax shimbiraw (xogahaynta golaha fulinta ee jamaacada ) , Sh.Maxamed deeq xuseen (ku xigeenka Muasasada dacawiga ah ee alkaram).
no images were found
Culimadan ayaa safarkoodu ku wajahnaa kulamo dacwadeed oo ay la qaataan dhamaan ducaada gobolka Sool , rag iyo dumarba, ardayda jaamacadaha iyo golaha ardayda ka baxday Machadka al furqaan. Kulanka oo ahaa mid si wanaagsan loo soo agaasimaya ayaa Ducaada iyo Culimada intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan Dacwada iyo in la xoojiyo waxaan wixii culimadu ay ka hadleen ugu weynaa:-
1. Taariikhdii dacwadan salifiga ahi ay soo martay laga soo bilaabo bilawgeedii ilaa hadda oo la joogo
2. Is dhexgalka iyo wadashaqaynta dhinac ducaada
Ugu danbayna waxaa culimada fadhiyadaa lagu weydiiyay su,aalo la xidhiidha dacwada iyo hawleheeda , waxaa kale oo ay culimadu ka dhagaysteen ducaadii ay kulamadaa la qaateen talooyin ay u soo jeediyeen. culimdan ayaa lagu wadaa ilaa barri in ay soo gunaanadaan kulamooda ay la yeelanayaan ducaada gobolka Sool iyagoo u baqooli doona gobollada kale ee dalka.
Halgan.net