Dagaalo ka dhacay maanta duleedka Degmada Afgooye

December 22, 2013 - Written by Editor

dagaalAfgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya cidamo ka wada tirsan DFS uu ka dhacay duleedka Degmada Afgooye waxaana dagaalka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa haatan Ugu yaraan 11-ruux  oo 7 ka mid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka DFS waxaana uu dagaalku saameyn xooggan ku yeeshay isku socodka magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Ciidamada ka tirsan DFS ee ku dagaalamay duleedka Degmada Afgooye ayaa waxaa ay u kala jabeen laba beelood oo wada dega Gobolka Shabellaha Hoose waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaaladaan ayaa waxay daba socdaan kuwa ka dhacay deegaanka No.5o waxaana dagaalka saaka uu xoogiisa ka dhacay  wadada aada Wanlaweyn ee la yiraahdo Mukayga

Dagaalka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad rayid ah waxaana socda socda dadaalo lagu joojinayo dagaalada ka dhacay duleedka Afggooye.

Xaalada Degmada Afgooye ayaa ah haatan mid degan waxaana dib u soo laabtay isu socodkii gaadiidka ka shaqeynayay Muqisho iyo Baydhabo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online