Banaanbax ka dhacay maanta magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer
December 23, 2013 - Written by EditorBurco:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in iska horimaad ka dhacay magaalada Burco waxaana sido kale ka dhacay banaanbax balaaran kaas oo looga soo horjeedo xilka laga qaaday Talyaha qaybta ee Gobolka Togdheer Axmed Xasan Cabdiraxmaan (ilka-Case)
Ciidanka Booliska iyo kuwa RRU ayaa rasaas u isticmaalay in ay kala eryaan dadweynihii banaanbaxa dhigayey waxaana ku dhintay 2qof halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.
Dadweynaha Banaanbaxa dhigaya ayaa waxaa ay ku doodayaan in si xaq daro ah xilka looga qaaday Talyaha qaybta ee Gobolka Togdheer Axmed Xasan Cabdiraxmaan (ilka-Case)
Banaanbaxa ayaa galabta istaagay mara jiraan ilaa haatan cid ka hadashay Banaanbaxa ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer .
A/Cawale
Halgan.net