Ahmiyadda Amnigu leeyahay iyo ilaalintiisa Sh C/naasir Xaaji iyo Sh Daahir Aw Cabdi.[Dhagayso]

December 26, 2013 - Written by Editor

DSC024021Garoowe:-Magaalada Garowe ee xarunta dawladda Puntland waxaa habeenkii labaad ka socda Nadwo loo qorsheeyay in ay mudo afar habeen ah socoto islamarkaana looga faa’ideeyo bulshada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah. Nadwadan oo ka socota Masaajidka Xaaji Cali ee magaalada Garowe ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayay marxaladan ay hadda Puntland marayso ee la xiriirta Doorashooyinka iyo Ololaha socda, Nabad gelyada iyo arrimaha Bulshada.

Habeenimadii xalay ahayd waxay Muxaadaradu ku saabsanayd Ahmiyada Amniga iyo Ilaalintiisa,  soo jeediyey Sheikh C/naasir Xaaji Axmed oo ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka Soomaaliyeed Haddaba Qoraal ay Culimadu ka soo saareen Gabagabadii Muxaadaradan oo ay ku sharaxayeen Mawduucan Habeenimadii xalay laga hadlay ayaa sidan u qornaa:-

Haabeenkii 2aad ee Nadwada ka socota Masjidka Xaaji Cali Ahmiyadda Amnigu leeyahay iyo ilaalintiisa Sh Cabdinaasir Xaaji Axmed

Shiikha ayaa waxa uu aad ugu dheeraaday ahmiyadda amnigu leeyahay iyo in xil ka saaran yahay qofkasta ilaalintiisa .Waxa uu aad uga digay khatarta ka imaan karta in qofku ka sheekeeyo wax kasta oo uu maqlo uuna faafiyo isaga oo aan ka fakarin halista amni ee ka imaan karta, sidaas darteed ayuu shiikhu aad u adkeeyay in aan iska ilaalino fadhi ku dirirka iskana fiirino waxa aan kaga sheekaynayno.

Waxa shiikhu sheegay in islaamku aad uga taxadaray amniga uuna siiyay bulshada muslimka ah hababka ugu fiican ee lagu ilaalin karo amniga. Waxaa shiikhu soo bandhigay tobon qodob oo haddii la helo lagu gaarayo amni wanaagsan:-

1. Iimaan dhamaystiran in la helo oo qofku leeyahay ,maxaa yeelay asal ay isku xiran yihin amniga iyo iimaanka qofkastana amnigiisu leg yahay inta imankiisu le’egyahay.

2. In qofku noqdo qof wanaagsan ee ilaahay ku xiran si wanaagsanna u caabuda ,taasoo macneheedu yahay markasta oo qofku ilaahay ku xiran yahay inuu ka fogaanayo wax kasta oo mani darro keeni kara.

3. Habka sadexaad ee lagu gari karo amniga waa ducada ,waxaana laga rabaa qof kasta oo muslim ah in ilaahay ka baryo amni uuna fahmo ducadu inay tahay furaha albaabada khayrka aduun iyo aakhiraba.

4. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu xaqiijin karo amniga waxaa ka mid ah in lagu xirmo dadka culimada ah ee aqoonta leh iyo wax gardka ,taasoo macneheedu yahay in talada aan cid kasta gacanta loo galin ee loo daayo dadka wax garadka ah.

5. In maamul lahelo iyo dawlad loona aqoonsado dawladnimadu in ay tahay in dadka danhooda laga shaqeeyo ee aan laga dhigan meel laga qaato oo xoolo laga aruursado .

6. In bulshada lagu wacyi galiyo ahmiyadda amnigu leeyahay iyo waliba khatarta ka dhalan karta amni darada ,lana fahnasiiyo bulshada in sidaa lagu gaari karo midnimada iyo iku duubnida waayo dadku waxa ay wada saaran yhiin.

7. In la helo walaaltinmo iyo isku duubni , lalana diriro qabyalada iyo wax kasta oo ka horimaanya isjacaylka iyo isku xiraanta bulshada iyo midnimadeeda.

8. In laladiriro dhibka iyo wax kasta oo cid dhibaato u gaysan kara ,taasna loo baahanyahay in qofkasta uu ka bilabo naftiisa muslimkuna ka nabadgalo afkisa iyo adinkiisa.

9. In la dhaqan galiyo sharciga islaamka laguna dhaqmo qawaaniinta islaamka ee qofka xadidaysa habdhaqankisa,lana mariyo qofka amni darada wada ciqaabta uu mudan yahay si loogu quusqaato asna uga waantoobo inuusan mardanbe unoqon.

10. Inaan ku shukrinno nimcada ilaahay oo ay ugu horayso islaamnida amniga walaltinimada isku duubnida si ilaahay noogu daayo ,haddii kale ilaahay waxa uu nogu badlaya hoog iyo colaaad ,sidaa darteed waa inaan noqonaa cid xagsankarta ilaahay nimcadiisa.

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Ahmiyadda Amnigu leeyahay iyo ilaalintiisa Sh C/Naasir Xaaji Axmed

Markii qaybtii 1aad ee muxaadaradu dhamaatay ayaa waxaa tacliiq saaray Shiikh Daahir Aw cabdi Allaha dhowree waxaa uuna Shiikhu u mahad celiyay shiikh cabdi nasir kuna amaanay sidda xeesha dheer ee codkornimada leh ee uu uga hadlay mawduuca amniga, una duceeyay in ilaahay khayrka waafajiyo.

Shiikh daahir ayaa ku dheeraaday in laga shaqeeyo danta guud ee amnigu ka mid yahay in ay u baahan tahay in qofka xilkeeda qaadaya yahay qof lagu aamni karo arintaas waan afariinta ay gudanayeen dhammaan nabiyadii ilaahay soo diray.

Amnigu waa baahida ya dareemayaan biniaadanka kuwii hore iyo haddaba ,jinka ,xaywaanka ,hadiii la xaqiijiyo cadaaladna ay kala nabada galayaan dhammaantood taasina waa mid horay loo tijaabiyay tusaalena kuugu filantahay wixii dhaca markii xilka uu hayay cumar ibnu cabdi casiis, haddaba soomaalidu waxay u baahantahay caddaalad iyo dad masuuliyadda umada lagu aamini karo si ay u gaaraan nabadgalyo.

Shiiku wuxuu ka sheekeeyay qax kale duwanee taariikhda soomaalida soo maray isaga oo sheegay in kuwii hore ay keeni jireen sababo xagga dhaqaalaha balse kan ugu danbeeyay ay keentay amni darro uuna yahay kan ugu samaynta badan soomaalida ilaa ay tusaale u noqdeen wax kasta oo xun ,taasna ay noogu wacantahay in aan si khaldan xukunka u doonay ileen waan ilawnay in xilku yahay masuuliyad iyo in dadnaha umadda laga shaqeeyo.

Waxa uu tilmaamay shiikhu dawrka muhimka ah ee issimadu iyo odayaasha dhaqanku ay ku leeyihin badbadinta bulshada iyo amnigooda isaga oo sheegay in lagu baxsaday xiliyo badan oo adag. Shiikha ayaa ku soo gabagabeeyay in ujeedka nadwadu inay tahay in aan isha ku hayno marxaldda kal guurka ee aanu hadda galayno qofkastana dawrkiisa ka qaato sugidda amniga iyo isku duubnida.

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Ahmiyadda Amnigu leeyahay iyo ilaalintiisa Sh Daahir Aw- Cabdi

Mu assasa minhaaj 
(minhaajfoundation@gmail.com)
Garoowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online