Wafdi culumo ah oo socdaal dacwo ku tagay magalada Kampala (Masawiro)
December 26, 2013 - Written by EditorKampla:-Waxaa dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugan Magaaladda Kampala ee Caasimadda dalka Uganda Shiikh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun, Shiikha ayaa u soo gaaray Maaaladda Kampala si uu halkani ugu qabto Muxaadarooyin kala duwan.
Sheikh Mustafa ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Shiikh Shibil iyo Shiikh Maxamed Qaasim kuwaas oo dhammaantood u soo gaaray Kampala si ay ugu faa’ideyaan dhammaan ardayda iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ku sugan Kampala maalaha fasax ah oo ay ku jiraan.
Muxaadaradii koowaad ayaa Sheikh Mustafe Xaaji Ismaaciil waxa uu ka galay Masjidka Towhiid taasi oo ka hadleysay Sidee Khilaafka loo xaliyaa ee shareecada waafaqsan , taasi oo qaatay mudo 3 habeen ah.
.
Muxaaradii 2aad ayaa waxa uu u qabtay Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan Kampala kuwaas oo wax ka barta Jaamacadaha kala duwan taasi oo ka hadleysay Guusha ama Liibaanta waxaana ka qeyb galay arday kor u dhaafeysay 3,000 arday oo ka kala yimi guud ahaan Jaamacadaha dalkan.
no images were found
Ugu horeyn waxaa lagu furay ayado quraan ah ka dibna waxaa lagu soo dhaweeyay Sheikh Mustafa.
Sidoo kale waxaa Isla saakay Muxaadaro kale Dumar u galay Sheikh Mustafa xaaji Ismaaciil (26-12-2013) taasi oo in badan ay ka faa’ideysteen dumarka.
Isla caawa waxaa Shiikh Shibil sidoo kale uu Masjidka Towhiid ka galayaa Muxaadaro kale taasi oo in badan la rajeynayo in shacabka guud ahaan ka faa’ideystaan.
Faah faahinta Warbixinadda Socdaalka Culimadda kala Soco Halgan.net
Siciid Maxamed Barre
Siciidbarre1@gmail.com
Kampala,Uganda