Madaxweynaha DFS Xasan Sh oo caawa gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

December 26, 2013 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa galabta u ambabaxay Nairobi si uu uga qeybgalo Shirka aaan caadiga aheyn ee Madaxweynayaasha dalalka IGAD oo looga hadlayo arrimaha South Sudan.

Jimcaha 27ka December 2013 ayaa madaxweynayaasha IGAD ay ku shirayaan Nairobi oo ay uga hadlayaan xaaladda dalka South Sudan oo dagaallo ay ka socdaan. Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dowladaha IGAD oo dhowaan gaaray magaalada Jubba ee caasimada South Sudan ayaa u soo kuurgalay xaalada dalka isla markaana soo dhex dhigay heshiis iyo xabad joojin kooxaha isku heysta siyaasadda dalka.
Wasiiradda Arrimaha Dibedda ayaa kulan ay la soo qaateen Madaxweynaha South Afrika Silva Kiir ayaa waxuu u caddeeyey inuu diyaar u yahay inay heshiis aan shuruud laheyn la galo kooxaha ka soo horjeeda isla markaana dib u heshiisiin ay ka dhacda dalka South Sudan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxweynayaasha dalalka IGAD isla markaana khudbad ka jeedin doono shirka ayaa diirada saari doono sida ay lagama maarmaanka u tahay in IGAD ay door hoggaamineed ka qaadato xaaladda South Sudan oo laga hortago inay collaadaha sii socdaan oo ay dalka South Sudan geliyaan dagaallo sokeeyo. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu ugu baaqo madaxda IGAD in dowladda South Sudan lagala shaqeeyo sidii ay dib u heshiisiin ugu xallin laheyd arrimaha ka jira dalka South Sudan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulamada uu la yeelanayo madaxda IGAD kala hadli doono xiriirka dalalkaas iyo Soomaaliya isla markaana xoojin doono sida loogu baahanyahay in IGAD ay xoogga saarto in dalka South Sudan uu noqdo dal xasilan oo nabad ah.
– DHAMAAD – 
Abdirahman Omar Osman
(Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson to the President of Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online