Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali Sh. Axmed oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Dayniile

December 27, 2013 - Written by Editor

IMG_9075Muqdisho, December 27, 2013—Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Askartii iyo dadkii rayidka ahaa ee maanta ku geeriyooday qarax ay kooxo dhagar qabayaal ahi ka geysteen degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

“Waa wax aad u foolxun dhaqanka ku saleysan daadinta dhiigga dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed isaga oo u rajeeyey dhamaan dadkii geeriyooday ee isugu jiray Askarta iyo rayidkaba in eebe Janaddiisa geeyo, inta dhaawacu gaareyna deg deg u bogsiiyo.

“Kooxaha argagixisada ah ma sii jiri karaan waqti dheer, maadaama afkaarta ay aaminsan yihiin ay tahay mid liddi ku ah Diinta Islaamka, dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed iyo damiirka bani’aadannimo” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumadda
ridwaanhaji@gmail.com
Mob.+25261-6969105

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online