Issimadda Puntland oo kulan ku yeeshay magaalada Garoowe

December 27, 2013 - Written by Editor

Shirka-isimaddaGaroowe:-Wararka naga soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta Issimada waaweyn ee Puntland ay shir yeesheen shirkaas oo lagu lafagurayey xaalada taagan ee doorashada iyo qaabka loo maaraynayo haddii uu yimaado khilaafka xubnaha baarlamaanka ee ka mid noqonaya Golaha Baarlamaanka Puntland.

Issimada ayaa xili uu u socday kulankooda waxaa khadka Teleefanka kula soo hadlay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay isagoo ugu baaqay Issimada in ay ka qayb qaataan nabadaynta beelaha iyo in doorashadu ku dhacdo si nabad gelyo ah.

Issimada shirka ayaa u dhamaa marka laga qaar ka mid ah oo aan ilaa hadda la aqoon sababta ay u imaan waayeen shirka walow la sheegayo in Issimadu ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo kala saaro xubnaha xildhibaanada ah iyo awood gudiga khilaafadka iyo ansixinta xubana baarnlamaanka.

Mid ka mid ah Issimada soo jireenka ah oo ku sugan Garoowe oo aan la sheekaystay ayaa ka gaabsaday in uu ii qeexo sababah ay Issimo qaarkood uga maqnaayeen shirka maanta iyo bal haddii ay jirto wax kala aragti duwanaasho ah oo ka dhexeeya Issimada.

Issimada ayaa maalinta beri ah waxaa la filayaa in ay kulan laa qaataan ama nuqul qoraal ah u gudbiyaan gudiga khilaafka iyo ansixinta xubnaha baarlamaanka ee Madaxweynaha Puntland uu magacaabay. Issimada ku sugan magaalada Garoowe ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay yeeshaan kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo in la soo dhiso gudi Issimo ah oo ka sareeya gudiga khilaafaadka iyo ansixinta xubnah ka mid noqonaya Baarlamaanka Puntland.

Dhinac kale waxaa magaalada Garoowe ku sugan culimo’udiin waaweyn oo kulamo gooni gooni ah la qaadan doona bulashada qaybaheed kale duwan waxaan ay kala hadli doona danta umada iyo in ay muhiim tahay in wax walba oo khilaaf ah lagu dhameeyo is afgarad.

Culimo’udiinka ayaa waxaa la filayaa in ay kulamo kale duwan ay la qaadan doonaa inta ay ku sugan yihiin Garoowe ,Issimada ,Musharaxiinta iyo guddiga xalinta khilaafaadka. Culimo’udiinka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday Masjidka Xaaji Cali Nadwo cilmiyeed loogu magacdaray danta guud ee umada gaar ahaan dhinac amniga iyo nabad gelyada iyo in laga shaqeeyo hishiisiinta beelaha.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online