Isbaarooyinka yaa dhigay? Sh Axmed Cabdisamad (Qeybta 1aad)
December 29, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Dad badan waxay dhasheen iyadoo Kaantaroolo (Isbaarooyin) yaalaan magaalooyinkeen, kuwana way ku caqlisadeen, qaarna way arkeene ismaba weydiin cidda dhigtay iyo sababta loo dhigay. Laftaydu waxaan ka mid ahaa dadkii arki jirey burburkii ka hor koontaroolo magaalooyinka waaweyn yaal. Waxay ila ahayd in meesha loo dhigay canshuur iyo la socodka dhaq dhaqaaqa wadada gaar ahaan xilliyadii dambe oo jabhaduhu samaysmeen.
Laakiin waxaa xusid mudan in burburkii ka dib isbaarooyinkaan ay dhigteen dadkii lagu magacaabi jirey Jirri ama mooryaan ama dayday; si ay ugu baartaan gaadiidka iyo dad weynaha socdaalka ah. Qayb ka mid ah isbaarooyinkaan waxaa dhigay odayaasha ama maamuladii gobollada qaarkood ka samaysmay, waxayna mooryaanta u ogolaadeen inay xoolo ka qaataan gaadiidka si ay eliyaan boobka bareerka ah ee dadweynaha!.
Waxaa laga dhici kadha inaad la yaabtid maamul ama odayaal tuugo u idmaya inay dadka xoolo baad ah ka qaataan laakiin haddaad ogaan lahayd xaalku sidii uu xilliyadaas ahaa waad u ducayn lahayd dadkii fikraddaas keenay; waayo shar weyn oo ummadda haystay ayay ku joojiyeen shar aad uga fudud. Waa tan la yiri: Ilaahow nin aan wax ogayn ha cadaabin!.
Way socotaa …
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com