Ciidamo Itoobiyaan ah oo Dhaqdhaqaaq ciidan ka wada gobalada Bay iyo Bakool.

December 30, 2013 - Written by Editor

itoobiyaan31-300x198Baydhabo:-Ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo qulqulayaan gobalada Bay iyo Bakool iyaga oo ku andacoonaya in ay taageerayaan ciidamada DFS ee dagaalka kula jira kooxada Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan gobalada Baay iyo Bakool ayaa xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya oo lugeynaya ay soo galeen deegaano ka tirsan gobalada bay iyo Bakool waxaana ay cabsi soo wajahaday shacabka ku dhaqan deegaanadaas waxayna ciidamada Itoobiya ay bilaabeen in ay u caga jugleeyaan xoolo dhaqato ku dhaqan Bay iyo Bakool.

Ciidamada Itoobiya ayaa haatan ku sugan duleedka deegaanka Yeed ee Gobolka Bakool waxaana ciidamada Itoobiya la socda ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo dhowr mar ku fadhilmay in ay la wareegan deegaano ku dhow Rabdhuurre oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhanka kale ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale waxay dhaqdhaqaaq ciidan ka wadaan degmada Ceelbarde waxaana ay ku wajahan yihiin deegaano ay ku sugan yihiin ciidamada Al-Shabaab waxaana ay ciidamada Al-Shabaab bilaabeen in ay difaacyo ka qotaan deegaano ku xeeran degmada Xudur ee xarunta gobolka Bay

Ilaa iyo markii dowlada Itoobiya ay shaaca ka qaaday in ay ku biireyso ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxay soo galisay ciidamo tiro badan gobalada Bay iyo Bakool iyada oo fulineysa ajanda u gaar ah dowlada Itoobiya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online