Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay Cadaado (Dhageyso)
May 3, 2015 - Written by EditorCadaado:-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta shirjaraa,id ku qabtay magaalada Cadaado wuxuuna ka warbixiyey halka uu marayo dhismaha Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe.
C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS ayaa sheegay in ay jiraan dad doonaya in carqaladeeyaan Maamulka loo dhisayo gobolada Dhexe kuwaas ay ka mid yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada dhexe kuwaas sheegay in ay kala direen Guddiga Farsamada maamul u sameynta gobalada dhexe.
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ayaa carabka ku dhuftay Madaxweynaha Galmudug Cabdi Qeybdiid wuxuuna sheegay in uusan xaq u lahayn in uu kala diro Guddiga Farsamada ee haatan ku gudaha jira soo xulista ergooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS ayaa sheegay in ay si wanaagsan u socoto soo dhisida Maamulka Gobalada dhexe wuxuuna uga digay siyaasiyiinta in ay joojiyaan faragalinta iyo carqalada ay ku hayaan shirka ka socda Cadaado.
Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa
[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/dshskd416i/odawaa.mp3]A/Cawale
Halgan.net