Puntland oo soo bandhigtay Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab iyo howl galo ka socda Boosaaso.[Masawiro]
May 12, 2015 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Birmad ee shalay soo gaaray magaalada ay howl galo lagu qabtay dad badan ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
24tii saac ee ugu dambeeyey ayaa ciidamada Birmad ee Puntland waxay gacanta ku dhigeen dhalinyaro iyo rag looga shakisan yahay in ay wax u dhimayaan amaanka magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu xiray Saldhigyada magaalada Boosaaso.
Ciidanka howlgalada wada ayaa waxaa ay ilaa haatan qabteen dad kor u dhaafaya 200 qof kuwaas oo su,aalo la weydiinayo waxaana lagu arkayaa saaka saldhigga dhexe ee booliska ee magaalada Boosaaso dadweyne badan oo hortuban.
Taliyaha booliska Puntland Gen Maxamed Siciid Jaqanaf oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in badi dadkii hawgalka lagu soo qabtey lasii daayey, balse weli baaritaan lagu wado dhowr qof oo loo shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-shabaab.
Dhanka kale Taliyaha ciidamada booliska dowladda Puntland Jen Maxamed Siciid Jaqanaf oo ay garab fadhiyaan gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalle Xassan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland ayaa waxay saxaafada u soo bandhigeen horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo lagu soo qabtay howlgalo ciidanka Puntland ay ka fuliyeen buuraha Golis ee Calmadoow.
no images were found
Taliska Booliska Puntland ayaa waxaa ka mid ah magacyada horjoogayaasha Al-Shabaab ay saxaafada uu u soo bandhigeen siday sheegeen.
1-Cabdiwaajid Cali
2-Guuleed Bashi
3-Mukhtaar Cabdinuur ‘’Axmed Guray.
M_M Deeq
Halgan.net