Sh.Nuur Baaruud oo ka sheekeynaya qaabkii uu uga badbaaday weerarkii Hotel Saxafi.[Daawo]
November 1, 2015 - Written by EditorMuqdisho:- Afhayeenka Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sh.Nuur Baaruud Gurxan kana mid ah Culimada ugu waaweyn ee Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta uga badbaaday weerarkii Al-shabaab ay la beegsadeen Hotel saxafi ee magaalada Muqdisho si yaab leh. Sh. Nuur Baaruud Gurxan ayaa waxaa uu ka sheekeeyey qaabka uu u dhacay weerarka isagoo xusay in markii ay Salaadii subax ay tukadeen ka dib maqlay jug weyn oo uu u qaatay in Hotelkii uu u soo dumay isagoo xusay in ragg weerarka fuliyey ay hor yimaadeen qolkii uu Sheekhu ka deganaa Hotelka Dariishaduna ay u furnay.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in uu alle ka baryey in haddii waqtigiisa wax uga haray nolashiisa in uu Alle ka badbaadiyo weerarka si uu kuwa diinta ka baxay ee Murtadinta ah iyo kuwa Khawaarijta ah ee dhiiga Islaamka banaystay uu carabkiisa kula dagaalamo.
Sh Nuur Baaruud Gurxan ayaa markii uu ducaystay ka dib waxaa ay dablaydii hor fadhiday qolka uu Sheekhu ka deganaa Hotel Saxafi waxaa ay yiraahdeen kor aan aadno sidaas ayaan Alle iiga badbaadiyey buu yiri Sheekh Nuur.
Hoos ka daawo Sh Nuur Baaruud Gurxan oo ka sheekeynaya weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi
A/cawaale
Halgan.net