Ra’iisal Wasaaraha DFS oo dhagax dhigey safaarada Soomaliya ee dalka Kenya
November 7, 2015 - Written by EditorRa’iisul Wasaaraha DFS Cuma Cabdrishiid Cali ayaa maanta dhagax dhigey dib u dhis lagu sameynayo safaarada ay dowlada Soomaaliya ku leedahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Munaasabada dhagax-dhigga dib u dhiska safaaradda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ganacsatada Soomaalida ee magaalada Nairobi.
Ra’iisul wasaare DFS ayaa khudbad ka jeediyey xaflada ayaa waxaa uu u mahad u celin dadkii gacanta weyn ka qaatay dib u soo celinta dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in xukuumadiisa ay wado dib u habeyn dhamaan safaaradaha Soomaaliya ay ku ledahay dalka dibadiisa.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay ka qeyb qaataan dib u habeynta Safaarada. Dhulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa gacanta dowladda Soomaaliya ugu soo laabtay sanadkii 2010-kii kaddib dacwad dheer oo lala galay nin Hindi ah oo dhulkaasi iibsaday,
A/Cawale
Halgan.net