Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Faroole oo ka digay in dib loogu noqo Nidaamka 4.5.[Dhagayso]
November 17, 2015 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Farole oo saaka shir jaraa’id ku qabtay gurgiisa magaalada Garoowe ayaa waxaa uga waramay aragtidiisaa ku aadan shirka wada tashiga heerka qaran ee looga tashanayo doorashada soo socota ee Soomaaliya 2016 oo shalay ka furmay magaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaal gaar ahaan Garoowe.
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Faroole ayaa xusay in dowadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira dalka Soomaaliya ay dadaal ugu jiraan qaabkii ay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ay markale dib ugu soo noqonayaan.
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Faroole ayaa yiri ”Waxaan ka war hayaa in dad badan oo dadka shirarka la iskugu keenay aysan war qabin ama ha noqdeen maamulada dawladaha qaybta ka ah dowladda Federaalka ha wateen ama ha wateen dawlada dhexe inay doonayaan in qaab Xukuumadda Xamar joogta wax ay ku imaan karto oo xafiiska ay dib ugu soo noqon karto ay doonayaan,dariiq kasta haloo mare,taasi oo keeni karta in dadku ay kala tagaan oo heshiis daro ay ka dhacdo oo buuq dib loogu noqdo’’
Hoos ka Dhagayso shirka jaraa’id Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Faroole uu kaga hadlay Hiigsiga 2016
[audio: http://radiohalgan.net/media/audio/Mp3/FAROOLE.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net