Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Danjire Nickolas kay
November 18, 2015 - Written by EditorMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa Nov-18-2015 Aqalka Hoyga uu ka degganyahay Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Saomaaliya Danjire Nickolas Kay iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.
Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kullan gaar ah oo saxaafaddu dibad joog ka ahayd la qaatay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay.
Markii uu soo idlaaday kulanku ayaa waxaa si wadajir ah warbaahinta qaybaheeda kala duwan shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nickolas Kay, waxana ay ka warbixiyeen kullankoodi.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay kawada hadleen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Puntland, iyo Shirarkii dhowaan kasocdey Soomaaliya oo looga hadlayey geeddi socodka Doorashooyinka 2016.
Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku ammaanay Danjire Nickolas kay waxqabadkiisii muddadii uu soomaaliya kasoo shaqaynayey isagoona sheegay inay si’dhow uwada shaqaynayeen waxaana uu urajeeyey guul iyo horumar maadaama uu sii dhammaanayo muddo xileedkiisii.
Danjire Nicholos Key ayaa isna dhankiisa Madaxeynaha uga mahadceliyey soo dhawaynta uu u sameeyey, waxaana uu ku amaanay dadaalka horumarineed ee uu madaxweyne Gaas kawado gudaha Puntland iyo guulaha waaweyn ee uu gaadhey muddadii yarayd ee uu hoggaanka Puntland hayey.
no images were found
Gebagebadii kulanka ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali guddoonsiiyey Danjire Nickolas key hadiyo ka kooban waxyaabaha Hiddaha iyo Dhaqanka ee ay Puntland caanka kutahay oo lagu xardhay Calanka Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.