Ciidamada DFS oo howlgalo balaaran ka sameeyey magaalada Muqdisho

January 14, 2013 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada DFS ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameeyey magaalada Muqdisho waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen dad aad u tiro badan oo gaaraya ilaa 477 sida uu warbaahinta u sheegay  Taliyaha nabadsugidda gobalka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg

Howlgaladan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa saf-ballaaran ah waxaana ay ciidamada DFS ay si gaar ah u bartilmaamsadeen degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir,

Taliyaha nabadsugidda gobalka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in howlgalada ay bilaawdeen xalay waxaana uu sheegay in 47 7 ay soo qabteen balse markii danbe ay sii daayeen qaarkood waxaana xabsiga loo taxaabat 137 qof oo looga shakisan yahay in ay lid ku yihiin amaanka magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Taliyaha booliska ee  gobalka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalada saaka ay ciidamada DFS ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir waxaana uu sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya ciidamada nabadsugidda ee gobalka Banaadir iyaga oo ku eedeeyey in ay iska raafaan dad shacab ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn Ururka al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online