Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo howl gal ka sameeyey degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir

January 17, 2013 - Written by

howlgaloCiidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa howl galo ay ka sameeyeen degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir waxaa ay ku qabteen dad aad u fara badan iyadoo dadka ay ciidanku ka qabteen xaafadaha Muqdisho lagu qiyaasayo ilaa 800 oo qof. Taliyaha ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir Axmed Xassan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ciidan ku ay dad badan ay ku qabteen howlgalka lagu sugayo amaanka  isagoo sheegay in dadka la qabtay ay ku jiraan xubno ka tirsan ururka Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Taliyaha ciidanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dad ku dhow ilaa 100 oo ka tirsanaa ciidanka Al-shabaab lagu qabtay howl gal ka dib xog ay ka heleen dadka shacabka ah oo la shaqeeya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM. Taliyaha ciidanka Gobolka Banadir ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan ilaa 400 oo dhalinyaro ah oo lagu qabtay howl galka laguna tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab balse ay baari doonaa qofkii aan danbi lahayna ay si dhaqso ah u soo dayn doonaa.

Labadii maalmood ee u danbeeyey ayaa ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM waxaa ay howl galo xiriir ah ay ka wadeen xaafadaha kale duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho iyagoo dadka ay howlgalkaas lagu qabtay lagu qiyaasayon wax ka badan 1000 qof.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online