Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu soo dhaweeyey Baran (Masawiro)

December 11, 2013 - Written by Editor

2Baran:-Badhan:-Musharax Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Maalmihii ugu Dambaysay Socdaal ku Marayay Deeganada Puntland ayaa Maanta socdaal ku garay Magalada Baran ee Xarunta Gobalka Sanaag Dadweyne Waxgarad Cuqaal iyo Isimo ayaa si weyn u soo Dhoweyeey Wafdiga Musharaxa Dadkaaso aad ugu Faraxsanaa in Musharaxa uu soo gaaro Gobalka. Dr Gaas ayaa Socod Dheer ku dhex Maray Magaalada ilaa in lagu qiyaasay 2- kilo Mitter isagoo ay garab socdaan Boqolaal Dadweyne oo Ubaxyo gacanta ku sita, dadweynaha Reer Baran ay safnaa gudaha Magalada ila 20 KM Banaanka Magaalada kuwaaso Goobta ku sugayay ilaa waberigii Saakay.

Tuulooyin Badan oo ka sokeeya Baran ayna Kamid tahay Midigale ayaa Musharaxa wuxuu kula hadlay Boqolal Dadweyne iyo ardayda Dugsiyada kuwaaso sheegay in Musharaxa ay ugu baaqayan in uu ka dhabeeyo Isbedelka uu ku baaqay ayna taagersanyihiin in Gaas uu ku Guulaysto Madaxtinimada Puntland, si Dalka uu uga saaro Habacsananta iyo dib u dhaca ka muuqday Sannadihii ugu dambeeyey.

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cabdi Shire oo kamid ah isimada ugu waaweyn Puntland oo ka hadlay Fagare loo diyariyay in Cabdiweli uu kula hadlo Dadweynaha reer Baran waxaana suldanka uu sheegay in Musharaxa ay ku soo dhoweynayaan Magaalada Baran isagoo sheegay in dadka rer baran ay aad uga Dheragsanyihiin Taariikhda iyo Magaca Sare ee Musharaxa uu leeyahay.

no images were found

Islaan Xuseen Xaaji Cabdi oo kamid aha Isimadii Musharaxa soo dhoweysay ayaa isagana ka hadlay fagaaraha waxana uu sheegay in ay soo dhoweynayan Gaas ayna ku faraxsanyihiin socdaalka uu Baran ku soo garay. Musharax cabdiweli Gaas oo la hadlay Kumanaan dadweyne oo reer Sanaag iyo Baranba ah ayaa uga Mahadceliyay soo dhoweyntii Diiranayd ee ay ku soo dhoweyeen isaga iyo wafdigiisa iyagoo uga hortagay Fagaaro aad uga baxsan Magaalada, “Puntland waxay u baahantahay Isbedel, Isbedel Nabad ah Isbedel wax ka bedela Nolasha Dadka Puntland, waxay u bahantahay Isbedel amni, waxay u bahantahay Isbedel Siyasadeed,Waxay u baahantahay Isbedel Dhaqaale” ayuu ku yiri Gaas Dadweynihii soo dhoweyey isagoo hadalka raaciyay.

“Baran uma Bahna Buur in la Fuulo Baran Waxay u Baahantahay in la soo booqdo Baran waxay u bahantahay in loo yimadoo baahideeda la ogaado, Adeerkey Cabdiraxman Shalay waa uu Khudbeeyey hadalkii u yiri aniga ka Jawaabi maayo Laakin Baran iyo Puntland ayaa ka Jawaabi doonto 8 Janaayo 2014” Musharax gaas ayaa sidoo kale ka hadlay xaladda Puntland isagoo sheegay in ay jirto kala furfurasho dadkii ehelka ahaa ee Puntland wada dhistay, dhulkii Puntland oo kala maqan iyo dadkii is jecla oo Maanta aan qulubtooda isu fiyoobeen.

Musharaxa ayaa Reer Baran u shegay in Puntland ay u bahantahay Cadaalad Shaqsi kasta oo Puntland ah Ama ha noqoto Wiil Madaxweyne ama ha noqoto Qof Caadi ah in loo sinnaado dhanka Cadaladda, dhanka Dhaqaalaha iyo adeegyada Bulshada, isagoo cadaladda ka sii hadlaayo ayuu shegay in loo baahanyahay Puntland aan ku ekaan dhanka Laamiga ee ka degta laamiga gaartana Deeganada kale ee ka baxsan. Cabdi weli Gaas ayaa Booqday isla galabta Goobo ay kamid yihiin Jamacadda Maakhir Univercity, Ceelka Biyaha Degmada oo ah Mid Taariikhi ah laga soo Bilaabo xiligii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo isbitaalka Guud ee Degmada Baran oo ay jifaan bukaano waxaana uu booqday qaybaha uu isbitaalka ka koobanyahay.

Xafiiska Warfaafinta Musharax
Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online