Kornayl Cismaan Abshir (Kabayare) Qarax miino ah ku dhintay
December 12, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Kornayl Cismaan Abshir (Kabayare) oo ahaa madaxii mini baarista Puntland uu ku dhintay qarax miino uu uu ka saarayey aagga Galgala.
Kornayl Cismaan Abshir (Kabayare) ayaa waxaa uu ahaa sarkaal u qaabilsan Puntland dhinac miino baarista waxaan uu qarax minada ay haleeshay xili uu ku howl lanaa soo saarista minada dhulka ay ku aaseen ururka Al-shabaab oo ay ciidanka Puntland ay ka war heleen.
Kornayl Cismaan Abshir (Kabayare) ayaa u geeriyooday dhawac ka soo gaaray qarax miinada waxaan la keenay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso, Qaraxaan minada ah ayaa ku soo beegmaya xili ay ciidanka daraawiishta iyo kuwa PSf ay howl galo ka wadeen deegaaano dhowr ah oo ku yaal Buuuraha Calmadow. Ilaa iyo hadda kama aysan hadal Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta ee Aag GalGala Qarax miino ee uu ku geeriyoodaya madaxii mino baarista Puntland Kornayl Cisman Abshir (Kabayare).
A/cawaaale
Halgan.net