Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

December 10, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee Masar.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada.

Mudane Maxamed Cabdullaahi oo ka qeyb-galaya Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Khudbad uu shirkaasi ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo in la abuuro jawi maalgashi oo soo jiidanaya maalgashade-yaasha shisheeye iyo kuwa gudaha, waa hiigsi ay dooneyso dowladda kasta in ay ka dhabayso,Si loo gaaro iskaashi dhaqaale oo dhexdeenna ah waa in aan arrinkan ka wada shaqeynaa oo xirriir qoto dheer ka yeelannaa.ayuu intaasi ku daray.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

Dhanka kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya kulamo muhiim ah oo xoogga lagu saarayo maal-gelinta kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha, dhaqaale abuurka dhallinyarada, isgaarsiinta, fursadaha maalgashiga tiknoolajiyadda iyo kor u qaadista adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

SONNA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online