Madaxweynaha Jubbaland oo tegay Afmadow

March 16, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa safar shaqo ku tegay Magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha waxaa waxaa safarkan ku wehelinaya qaar kamid ah Sarakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale iyadoo uu qayb ka yahay socdaal shaqo oo uu ku marayo qaar kamid ah deegaanada Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Degmada Afmadow kusoo dhaweeyay Sarakiisha iyo Ciidamada ku sugan Degmada Afmadow iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxaa si dardar leh u socda dadaalka uu Madaxweynahu ugu jiro sidii loo dardar galin lahaa howlagalada dib u xoraynta ah ee ka socda deegaanada Jubbaland.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray degmada Afmadow

Halgan.net

Comments are closed.