Afhayeenka Puntland Axmed Cumar Xirsi oo saxaafada uga waramay safarka Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika ay ku joogaan Garoowe
October 3, 2011 - Written byGaroowe:-Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) ayaa waxaa uu ka warbixiyey wefdi ka kooban saraakiil katirsan ciidanka Midowga Afrika iyo DFKM ay ku so gaareen magalada Muqdisho, wafdigaan ayaa maalmihii la oo dhaafay waxaa ay ku sugnaayeen magalada Garoowe si ay ugu kuur galaan xaalada Nabadgelyo ee ka jirta Puntlland. Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) ayaa saxaafada u sheegay in ilaa iyo intii ay wafdigaan ku sugnaayeen magaalada Garoowe ay booqdeen xeryaha Ciidanka daraawiishta ee ku yaal Garoowe isagoo xusay in wafdiga ka socda Midowga Afrika iyo DFKM ay aad ula dhaceen amaanka iyo dowladnimada ka jirta Puntlland.
Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) ayaa wax aan sal lahayn ku tilmaamay warar sheegay in dowllada Puntlland ay codsatay in ciidamo ka socda Midowga Afrika ay yimaadaan Puntlland ciidamadas oo gaaraya ilaa 2000 oo askari, Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre)ayaa ku nuuxnuuxsaday in Puntlland ay ka jirto xasilooni ayna haysato ciidamo ku filan in ay sugaan amaanka.
Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (libaax joorre) ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha ka socda midowga afrika iyo DFKM ay isla meel dhigeen in ciidamo Puntlland ah dibada loogu qaado tababaro iyadoo arrinkaas la isla meel dhigay Dhinaca kale Wafdiga Taliyaha guud ee ciidanka qalabka sida ee DFKM Sareeye guuto C/qaadir Shiikh Cali Diini oo saxaafada uga waramay safarkooda ayaa sheegay in Puntlland aad loogu soo dhaweeyey isagoo sheegay in uu aad ula dhacay in xarumihii dowllada ay sidoodii yihiin isagoo arrintaas ku amaanay Isimada iyo dowllada Puntlland.
Wefdigan oo uu horkacayo Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee DFKM Sareeye guuto Cabdiqaadir Sheekh Cali diini oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan ciidamada Midowga Africa ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo halkaas ay uu ku soo dhaweeyeen Wasiirka amniga Puntlland Col. Khaliif ciise Muduan ,madaxda Gobolka Mudug,iyo Saraakiil Ciidan. Ilaa hadda lama yaqaan inta cisho oo ay Saraakiisha ka socda Midowga afrika iyo DFKm ay sii joogi doonaa Puntlland.
M_M_Deeq
Halgan.net