Dagaal caawa ka dhacay xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid iyo Huriwaa

October 11, 2011 - Written by

Muqdisho:-Dagaal culus ayaa caawa mar kale dib uga qarxay magaalada Muqdisho iyadoo dagaal ka xooggiisa uu ka dhacay xaafadaha  ka mid ah degmada Yaaqshid, Huriwaa, SOS, Warshada Baastada iyo Carafaat . Dagaalka ayaa xooggiisu bilowday ka dib markii ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku ekeeyeen fariisamo ay ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay kaga sugnaayeen Warshada Baastada, SOS, Shineemo Cabdi Waayeel, iyo Carafaat , Ciidanka AMISOM ayaa waxaa ay hub culus ku duqeeyeen xaafadaha uu dagaalku ka socdo halka ciidanka DFKM ay iyagu ku jira difaaca hore balse ciidanka AMISOM ay iyagu saaran yihiin Taangiyo iyo baabuurta gaashaaman.

Ciidanka Al-shabaab ayaa galabta soo geliyey magaalada Muqdisho ciidamo fara badan si ay weeraro kadis ah ugu qaadaan ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo iyagu baahiyey ciidankooda. Dagaalka caawa ayaan la aqoon khasaaraha ka dhashay maadaam uu soconayo waqti habeen ah oo ay aad u adag tahay in la qiyaaso baaxada khasaraha soo kala gaaray Ciidanka Shisheeyey ee AMISOM oo taageeray kuwa DFKM iyo ciidanka ururka Al-shabaab.

Shalay ayaa ciidanka AMISOM oo gacan siinaya kuwa DFKM waxaa ay la wareegeen fariismo ay ka mid yihiin Warshada Baastada, SOS, Shineemo Cabdi Waayeel, Huriwaa, Carafaat oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online