Dhuusamareeb oo ay ka jirto dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda
October 4, 2011 - Written byDhuusemareeb:-Waxaa shalay ka dhacay dagaallo xooggan gudaha iyo daafaha magaalada Dhuusemareeb ee gobolka Gal-gaduud , dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyey ciidanka urruka Al-shabaab iyo Ahlusuna iyo maleeshiyaad beeleed gacan siinayey, dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidanka Al-shabaab ay weerar kadis ku qaadeen degmada Dhuusamreeb iyagoo subixii hore gudaha u galay qaybo magaalada.
Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa waxaa shalay u suurta gashay in mudo kooban ay la wareegaan degmad Dhuusamareeb iyadoo Saraakiil u hadlay ururka Al-shabaab ay saxaafada u sheegeen in dagaallkii shalay ay ka gaareen dantii ay ka lahaayeen iyagoo sheegay in saanad hub fara badan ay gacanta ku dhigeen.
Dhinac ururka Ahlusuna ayaa beeniyey in lagala wareegay shalay degmada Dhuusamreeb iyadoo Saraakl u hadlay uu sheegay in dagaalkii shalay ay ku jabiyeen Al-shabaab kun qasbeen in ay dib ugu laabtaan meelihii ay ka soo duulaan tageen. Marka laga tago 2-da dhinac ee uu dagaalku dhexmaray degmada Dhuusamareeb ay dadweynihii ku nool magaalada ay ka barakaceen magaalada xili abaaro baahsan ay ka jirto Gobolka Gal-gaduud.
Dagaalka shalay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog gan oo soo gaaray 2-da dhinac ee dagaalamay iyo weliba dadka shacabka ah oo hubka culus oo la isku ridayey ay guryahooda iyo goobahooda ganacsi ay ku dhaceen. ugu yareen 10 qof in ka badan oo ka tirsan 2-da dhinac ee dagaalamayey ayaa ku dhintay dagaalka halka dhaawucu uu aad u fara badan yahay.
Xaalada magaalada Dhuusemareeb ayaa saaka ah mid laga dareemayo kacsanaan waxaan gacanta ku haya ururka Ahlusunah halka ciidanka Al-shabaab ay ku sugan yihiin duleedka magaalada , waxaan magaalada ka socda barakac xooggan oo ay dadku uga baxayaan magaalada iyagoo u baxaya degaanada ku xeeran degamada Dhuusemareeb
A/cawaale
Halgan.net