Madaxweynaha DFKM oo shir jaraa.id uga hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho

October 4, 2011 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo galabta shirjaraa’id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu uga hadlay qaraxii saaka ka dhacay xarunta wasaaradii hargaha iyo saaamaha, isagoo tacsi u diray dhamaan Eheladii iyo dadkii wax ku noqday qaraxii lala beegsaday xarunta wasaarada hargaha iyo saamaha oo ay deganaayeen ilaa 8 wasaaradood oo ka tirsan DFKM waxaan uu Alle uga baryey intii dhimatay in uu alle u naxariisto inta dhaawaca ahna uu  alle caafiyo.

Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif ayaa eedeyn dusha uga tuuray Al-shabaab iyo ururka Al-qaacida isagoo ku eedeeyey in ay xasuuqeen arday iyo dad shacab ah wuxuuna beeniyey in xarunta qaraxu ka dhacay ay ahayd goob ay ku sugnaayeen ciidan ama ay wax ku noqdeen wasiiro ama masuuliyiin ka tirsan DFKM.

Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in qarax dadka u badan ee ku dhintay ay yihiin arday  soo fiirsanaysay natiijda imtixaankoodii si ay ugu baqoolaan dalka Turkiga ay ku dhinteen qarax.saaka , Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in qarax saaka ay ku dhinteen ilaa 70 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa 117 qof oo kale, Shiikh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in qarax maanata ay ururka Al-shabaab u isticmaaleen walaxo kiimiko ah oo jirka biniaadamka gubaya.

Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif Sh.Axmed ayaa sheegay in qarax maanta.uu dad badan soo xasuusiyey qaraxii  horay uga dhacay Hotel Shaamow oo ay ku dhinteen arday iyo macaliim fara badan iyo wasiiro ka tirsan DFKM taas oo cadayn u ah buu yiri in weerar lagu yahay aqoonta iyo horumarka umada Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif waxaa uu xusay in ay aad u canbaaraynayaa falka qarax ah ee dhacay
isagoo sheegay in DFKM ay la dagaalami doonto afkaarta ay wataan ururka Al-shabaab isagoo sheegay in diintu aysan qabin in dad rayid ah la ,laayo ama la is qarxiyo waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo sheegay in alle uu ciqaabi doono kuwii qarax ku laayey dad aan waxba galabsan ,Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif  ayaa ku goodiyey in DFKM  ay qaadi doonto talaabo deg deg ah.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online