Shaqaalo Ajnabi ah oo lagu afduubay galabta Koonfurta Gaalkacyo
October 25, 2011 - Written byGaalkacyo:-Waxaa maanta koox dabley ah oo hubeysan ay ku afduubeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug 2-bo shaqaale oo cadaan ah oo u shaqaynayey hay.dda Danish Demaning Group (DDG) oo ah Hay.adda miino Baarista ka shaqaysa. Kooxdaan dableyda ah ee hubaysan ayaa xoog kula tegay 2-daan shaqaale oo magacyadooda lagu sheegay Paul oo u dhashay dalka Danmark iyo Jessica oo u dhalatay dalka Maraykan koox daan ayaa waxaa kale oo ay afduubeen shaqaalo soomaali ah oo la socotay 2-daan shaqaale ee la afduubay.
2-daan shaqaalo ayaa waxaa ay ka soo kicitimeen dhinac Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo iyagoo la balansanaa sida la sheegayo odayaal in ay kula kulmaan Xaafada Baraxley ee ku taal Koonfurta magaalada Gaalkacyo.Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Koonfurta Gaalkacyo ayaa u sheegay Halgan.net in Ilaalada hay.adda Danish Demaning Group (DDG) ee miino baarista looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan afduubka loo geystay 2-da Shaqaal ee Ajnabiga ah.
Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gal-mudug oo ku saabsan wax ay ka yeelayaan kooxdaan dableyda ah ee afduubka ku haysata 2 shaqaalo ah oo ka shaqaynayey Hay.adda miino barista ee DDG.
M_M_Deeq
Halgan.net
.