Shaqaalo Ajnabi ah oo lagu afduubay galabta Koonfurta Gaalkacyo

October 25, 2011 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa maanta koox dabley ah oo hubeysan ay ku afduubeen koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug 2-bo shaqaale oo cadaan ah oo u shaqaynayey hay.dda Danish Demaning Group (DDG) oo ah Hay.adda miino Baarista ka shaqaysa. Kooxdaan dableyda ah ee hubaysan ayaa  xoog kula tegay 2-daan shaqaale oo magacyadooda lagu sheegay  Paul oo u dhashay dalka Danmark iyo Jessica oo u dhalatay dalka Maraykan koox daan ayaa waxaa kale oo ay afduubeen shaqaalo soomaali ah oo la socotay 2-daan shaqaale ee la afduubay.

2-daan shaqaalo ayaa waxaa ay ka soo kicitimeen dhinac Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo iyagoo la balansanaa sida la sheegayo odayaal in ay kula kulmaan Xaafada Baraxley ee ku taal Koonfurta magaalada Gaalkacyo.Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Koonfurta Gaalkacyo ayaa u sheegay Halgan.net in Ilaalada hay.adda Danish Demaning Group (DDG) ee miino baarista looga shakisan yahay in ay ka danbeeyaan afduubka loo geystay 2-da Shaqaal ee Ajnabiga ah.

Ilaa hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka Gal-mudug  oo ku saabsan wax ay ka yeelayaan kooxdaan dableyda ah ee afduubka ku haysata 2 shaqaalo ah oo ka shaqaynayey Hay.adda miino barista ee DDG.

M_M_Deeq
Halgan.net

.

 

Comments are closed.

Archives
October 2011
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online