Ciidanka Booliska Badda ee dowladda Puntland oo hub iyo walxa qarxa ku qabtay Degmada Qandala.[Daawomasawirada]

October 19, 2012 - Written by

Qandala:-Ciidanka Booliska Badda ee dowladda Puntland oo gacan ka hellay dadweynaha  ku dhaqan degmada Qardala waxaa ay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo iskugu jira  lidka  Taangiyada  iyo miinooyinka meelaha fog fog laga qarxiyo. Ciidanka Booliska Badda ee dowladda Puntlland ayaa markii lagu soo wargeliyey in rag  ajnabi ah ay degmada Qardala ku yimaadeen doon ka dibna ay dadweynuhu ay ka shakiyeen ka dibna maamulka degmada Qardala iyo  laamaha amaanka ay daba galeen waxaa ay ka war helleen in doontaan ay hub ay siday ku aastay meel ka durugsan degmada Qardala oo la yiraahdo Khuuriga.

Taliyaha Ciidanka Badda Dawladda Puntland Admiraal Guuto Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo horkacaya ciidamo ku hubaysan Tiknikada ayaa si dhaqso ah ku gaaray degmada Qandala waxaan ay qabteen hubka  isagoo taliyuhu uu saxaafada u sheegay hubka ay qabteen uu yahay mid fara badan oo iskugu jira hubka lidka baabuurta gaashaaman iyo walxaha qarxa hubkaas buu yiri ay nagu soo wageliyeen dadka degaanka iyo maamulka degmada Qandala.

no images were found

Taliyaha Ciidanka Badda Dawladda Puntland Admiraal Guuto Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in hubkaan ay keenee dad ajnabi ah oo cadaw u ah jiritaanka Puntlland balse alla mahadiisa lagu guulaystay in la qabto welina ay baaritaan wadaan ciidanka Booliska iyo kuwa Badda Puntlland oo hadda ku sugan degmada Qandala.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu mahad balaaran u soo jeediyey ciidanka Badda ee dowlada Puntlland iyo weliba maamulka degmad Qandala oo ka hortagay hub la doonayey in si sharci daro ah loo soo galiyo Puntlland si dad aan waxba galabsan loogu dhibaateeyo , Guddoomiayaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa ku booriyey dadka degaanka Degmada Qardala in ay difaacdaan deegaankooda si nabadgelyada iyo amaanka aan khalkhal la gelin , Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa saxaafada u sheegay in maamulka Gobolka Bari iyo saraakiisha ciidanka ay dib ka soo faahfaahin doonaa meesha uu hubku ka yimid iyo halka loo waday.

Hubka lagu soo qabtay Degmada Qardala ayaa waxaa  xalay lagu soo bandhiga gudaha dekkada Boosaaso  iyadoo goobta lagu soo bandhigay ay ku sugnaayeen saraakiil kale duwan ee ciidan Puntlland iyo madaxda ugu saraysa ee Gobolka Bari.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online