Hay’ad Pericheo International oo Deeq Daawo ah gaarsiisay dowlada Puntland
October 11, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka ee dowlada Puntland munaasabad ay Hay’ad Pericheo International ay ku gudoonsiisay wasaarada caafimaadka ee Puntland deeq daawo ah oo kala duwan waxaana munaasabadaas goobjoog ka ahaa wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame
Hay’ad Pericheo International ayaa waxaa laga leeyahay dalka Talyaaniga waxaana ay maanta gudoonsiisay wasaarada caafimaadka ee Puntland deeq dawo ah oo gaareysa 40 tan waxaana lagu qiyaasay aduun dhan 11 milyan oo doollarka
Wakiilka Hay’ad Pericheo International Dr. Maxamed Jaamac Salaad ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ku wareejiyo deeq daawo ah oo ay Hay’ad Pericheo International ugu talo gashay in lagu caawiyo shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland .
Deeqda daawada ah ee la gudoonsiiyey wasaarada Caafimaadka ee Puntland ayaa waxay ka kooban tahay daawooyinka lagu dabiibo cudurrada dhiig karka, kaadi heysta, sokorta, dhimirka, qalalka, neefta .
Wasiirka caafimaadka ee Puntland Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in ay baahi weyn u qabeen daawooyinka maanta la gudoonsiiyey wasaaradiisa wuxuuna u mahad celiyey Hay’ad Pericheo International .
Wasaarada Caafimaadka ee Puntland ayaa waxay ka mid tahay wasaaradaha sida weyn ay u muuqato waxqabadkeeda waxaana taas sabab u ah wasiirka caafimaadka oo dadaal badan ku bixiyey in kaalmo kala duwan ay hesho wasaaradiisa.
M_M Deeq
Halgan.net