Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

October 1, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamed iyo wafdi la socday oo  safar ku gaaray  magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, Wafdiga Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud  ayaa safar aan horay loo dhaacin ku gaaray saaka magaalada Baydhabo.

Ilo wareed ku dhow xarunta Madaxtooyada ee Muqdisho ayaa Halgan.net u sheegay in safarka madaxweynaha iyo wafigiisu ay saaka ku gaareen Baydhabo uu salka ku hayo kulan qarsoodi ah oo uu madaxweynaha la qaatay Masuuliyiin sare oo ka tirsan dowllada Itoobiya iyo IGAD. Warar aan weli si rasmi ah u soo shaac bixin ayaa sheegay in madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud masuuliyiintii uu kulan la qaatay uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowllada Itoobiya iyo saraakiil ka tirsan AMISOM .

Kulanka uu la qaatay Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud masuuliyiinta dowllada Itoobiya ayaa waxaa la sheegayaa in diirada lagu saaray  is bedelka ka dhacay Kismaayo iyo weliba Ra’iisul wasaaraha la filayo in maalmaha soo socda uu magacaabo  Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud.

Ilaa hadda La taliyaasha Madaxweynaha DFS iyo Xafiiska Madaxtooyada ayaan weli si rasmi ah u shaacin u jeedada safarka ee Madaxweynuhu uu saaka ku tegay Baydhabo iyagoo ku gaabsaday in Madaxweynuhu uu kulan la soo qaadanayo Madaxda DFS iyo saraakiisha ciidanka dowllada ee gacanta ku haya magaalada Baydhabo.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online