Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan
October 2, 2012 - Written byHiiraan:-Madaxweynaha DFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta socdaal booqasho ah ku tahay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka, kan degmada iyo saraakiisha ciidamada DFS , AMISOM iyo kuwa Itoobiya.
Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka DFS oo ka soo jeeda gobalka Hiiraan.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha uu yahay in uu soo eego xaalada beni’aadamnimo, iyo dhibaatooyinka fataahadda iyo roobaab u geeysteen dadka iyo deegaanka gobalka Hiiraan.
Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa inta uu joogo magaalada B/weyne wuxuu kulamo la qaadan doonaa Waxgaradka Odayaaasha iyo maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net