Puntland oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur
October 9, 2012 - Written byMadaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa saaka waxaa uu xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Sanaag Maxamed Siciid Nuur oo lagu naanayso Dabayl iyo Taliyihii qaybta Booliska Gobolka Sanaag Col.Dabaq. Guddoomiyaha xilka laga qaaday Maxamed Siciid Nuur ayaa waxaa uu xilka Gobolka Sanaag hayey mudo dhan 12 sanno waxaan uu guddoomiye Maxamed Siciid Nuur la soo shaqeeyey xukuumadii Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed , Maxamed Cabdi Xaashi, iyo Gen Cadde Muuse Xirsi iyo xukuumada Puntlland ee uu Madaxweynha u yahay haatan Cabdiraxmaan Faroole.
Guddoomiyaha xilka laga qaaday Maxamed Siciid Nuur Dabayl ayaa waxaa uu xilka iska casilay sanadkii 2010 walow uu arrinkaas ka aqbali waayey wasiirka arriamaha gudaha ee Puntlland Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir. Wareegto ka soo baxday shalay ayaa waxaa xilka Guddoomihaya cusub ee Gobolka Sanaag loo magacaabay Maxamed Ismaaciil Jaamac waxaan sidoo kale Taliyaha qaybta ee ciidanka Booliska Gobolka Sanaag loo magacaabay G/lle Axmed Siciid Gego roor.
M_M Deeq
Halgan.net