Saxaafadda dalka Danmark oo soo bandhigtay Video ku saabsan Ciraaqiyiin la jir dilayo doodna dhaliyey.[DaawoVideo]
October 19, 2012 - Written byCopenhagen:-Saxaafada dalka danmark kuwa la iska arko iyo wargeysyada kale duwan ee k a soo baxay Danmarka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay aad wax uga qoreen mar kale dhacdo ka dhacday dalka Iraaq xili dad rayid ah oo Ciraaqiyiin ah oo xad gudubyo jir dil ah ay u geysanayeen ciidamo Ciraaqiyiin ah iyadoo ay arkayeen ciidanka dalka Danmark ee markaas ku sugnaa dalka Ciraaq.
Dadka rayidka oo xiligaas la qabqabnaya ayaa waxaa loo geystay xadgudubyo ka dhan ah bini aadamka iyadoo eed culus loo soo jeediyey ciidanka Daanishka ah oo xiligaas arkayey markii ay ciidamada Ciraaq ay jir dil u geysanayeen dad rayid ah. Filim-kaan ayaa waxaa la duubay bishii November 2004-dii xili usbuucaan si rasmi ah ay u soo bandhigeen saxaafada dalka Danmark gaar ahaan saxaafadda la isla arko iyo wargeysyadda arrinkaas oo muran xooggan dhex dhigay saraakiil ka tirsan ciidanka Sirdoonka Danmark ee loo yaqaan PET oo iyagu duubay Video-ga iyo Saraakiil Milateriga ee iyagu xiligaas ku sugnaa gudaha dalka Ciraaq oo iyagu markii hore inkiray in uu jiro Video-gaan la soo bandhigay balse hadda qiray iyadoo Madaxda wasaaradda Difaac dalka Danmarka ay sheegeen in ay arrinkaan ay baarayaan.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Copenhagen nin Looyar ah oo lagu magacaabo Christian Harlang una doodaya ilaa 11 Ciraaqiyiin ah oo uu sheegay in la jir dilay xili ay ciidanka Ciraaq iyo kuwa Daanishka ah ay ku gudo jireen howl galo loogu magacdaray Green Dessert. Ciidanka Daanishka ayaa waxaa lagu haystaa sababta ay u daawanayeen dadka rayidka ah ee ay jir dilka u geysanayeen ciidamo Ciraaqiyiin ah waxaase ay xiisadu ay ka taagan tahay sababaha ay Saraakiisha Wasaaradda Difaac ay markii hore u diideen in uu jirto wax Video ah oo laga duubay dad rayid ah oo la jir dilayo wallow Sarkaal u hadlay wasaaradda Difaac uu sheegay in xogta ay hadda helleen aysan hayn 2004tii.
Madaxii hore ee Sirdoonka Danmark Anders Kærgaard ayaa ku dooday in Video-ga saxaafadu loo soo bandhigtay ay tuseen taliyihii ciidamada deenishka ee dalka Ciraaq ka dagaallamayay sannadkii 2004 wallow uu taliyuhu arrinkaas inkiray markii hore, Wasaaradda Difaac ee dalka Danmarka iyo Madaxii hore ee ciidanka Sirdoonka dalka Danmarka PET Anders Kærgaard ayaa dood adag u dhexaysaa iyadoo hadda ay marayso in maxkamadu ay dhagaysto dacwada , Waxaase in la is wiidiiya mudan haddii ciidamo Deenish ah lagu haysto maxaad u daawanyseen dad ciraaqiyiin ah oo ay ku xadgudbayaab Ciidamo Ciraaqi yiin lagan dalbanayo in ay magdhow bixiyaan yaa Maxkamadanaya ciidamada Ciraaqiyiinta ah ee jir dilka ama xadgudubka u geysanayey shacabkooda waa su,aal u baahan in la is wiidiiyo balse waxaan jawaabta uga tagey akhristayaasha sharafta badan.
Hoos Ka Daawo Video-ga waan ka xunahay waxaa Filmku waxaa uu ku hadlayaan Afka- Daanishka
Source Jylland Post/dr1.dk
Halgan.net CPH