Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo gaaray magaalada Kismaayo
October 22, 2012 - Written byWafdi ka socda Hey’adaha Qaramada Midoobey ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose, wafdigaan ayaa markii uu gaaray magaalada Kismaayo waxaa uu kormeer ku tegay Dekkada magaalada , Isbitaalka iyo xarumaha maamulka ee magaalada. Wafdifaan ayaa waxaa uu ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaan Hay’addaha maanta gaaray Kismaayo ka mid ah Hay,adda WFP, WHO iyo saraakiil dhinaca amaanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Ciidanka amaanka ee Raaskaambooni kuwa taageesan DFS iyo Ciidanka Kenya ayaa waxaa lagu arkayey saaka wadooyinka magaalada iyagoo sugayey amaanka wafdiga Qaramada Midoobay ee saaka yimid magaalada waxaan ciidamadu ay baarayeen baabuurta iyo dad weynaha u kala gooshaya xaafadaha magaalada Kismaayo.
Wafdiga Qaramada Midoobaya ayaa waxaa markii ay soo dhamaysteen kormeerkii ay ku tageen goobaha muhiimka ah ee magaalada waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Saraakiil ka tirsan ciidanka Raaskaambooni , kuwa DFS taageersan iyo Saraakiil Kenyaan ah, Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu masuuliyiinta ciidamada huwanta ah kala hadlay sidii dib loogu howl galin lahaa xafiiyada maamulka magaalada si Hay,addaha gargaarku ay uga howl galaan magaalada.
A/cawaale
Halgan.net