Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo maanta lagu aasay duleedka magaalada Muqdisho.
October 29, 2012 - Written byMuqdisho:-Alaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay duleedka magaalada Muqdisho weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare oo xalay fiidkii ku geeriyooday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho wuxuuna wariye Tuuryare uu u dhintay dhaawac ay u geysteen dhalinyaro looga shakisan yahay in ay yihiin Amniyaadka Al-Shabaab.
Marxuum Marxuum Tuuryare ayaa waxaa toddobaadkii hore weerar loogu gaystay agagaarka gurigiisa oo ku yaalla degmada Wadajir wuxuuna ahaa weriye ka tirsan Radio Shabelle .
Aaska Weriye Maxamed Maxamuud Tuuryare ayaa waxaa ka soo qeyb galay bahada saxaafada ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo dadweyne aad u tiro badan.
A/Cawale
Halgan.net