Xaalada caafimaad Ee Mustafa Hashmi Pulat madaxii TIKA ee dalka Turkiga(Masawiro)
October 3, 2012 - Written byGaalkacyo:-Xaalada Caafimaad ee agaasime goboleedka Geeska Afrika u qaabilsan dalka Turkiga Mustafa Hashmi ayaa ah mid wanaagsan ka dib markii shalay dabley Burcad ah ay waddada u galeen waxaana dhaawac uu ka soo gaaray labada lugood.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey ayaa kula hadlay saxaafada saaka mar uu soo booqaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo wuxuuna ka warbixiyey xaalada caafimaad ee Mustafa Hashmi Pulat wuxuuna sheegay in ay wanaagsan tahay .
Shalay ayey ahayd markii dabley hubeysan ay wadada u galeen wafdi uu horkacayey Mr.Mustafa Hashim oo ah madaxa hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga dalka Turkiga (TIKA)waxaana socdaalka ku weheliyey wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland .
no images were found
Taliye xigeenka ciidanka booliska dowllada Puntland Gen.Muxaydiin Axmed Aw-Muuse ayaa shalay sheegay in ay qabteen 8 ka mid ah kooxa weerartay wafdiga Turkiga ah ee ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
M_M Deeq
Halgan.net