Alloow kabaha soo goo!!!. W/Q Sheekh Fu,aad Xaji Maxamuud

December 3, 2013 - Written by Editor

maqaal-jhBoosaaso:-Maalin aniga oo dariiq maraya ayaan maqlay meeris gabay, si degdeg ah ayaan u jalleecay halkii aan codka ka maqlay, waxaa indhahaygu qabteen oday da’ ah, waan ku leexday odaygu waa nin aad u qurux badan oo xirfadle ah misana suugaanyahan ah, baydkii I soo jiitey ee tixda odayga ka mid ahaa ayaa u dhacay sidaan soo socota.

Alloow kabaha soo goo rag baan geel u dhala hayne.

Salaan dabadeed ayaan iri adeer maxaad dadka u habaaraysaa oo aad kabaha uga goynaysaa?, wuxuu yiri adeer habaar ma aha ee anigaa ducaysanaya, aniga xirfaddaydu waa Kabo tole haddii kabuhu soo go’aan waa la ii keenayaa kaddibna waan yeelayaa (hagaajinayaa) markaas ayaan mushqaayad helayaa!!.

Aad ayaan uga helay odayga da’da ah ee shaqaysanaya, waxaa iiga sii cajaa’ib badnaa sida uu af maal u ahaa iyo kalsoonida uu ku qabo naftiisa iyo shaqadiisa, waxaan iri adeer adigu ducaysatay laakiin dadkii waad habaartay oo kabaha in Alle ka gooyo ayaad ku ducaysatay, intuu aad u qoslay ayuu yiri adeer waa suure laakiin aniga habaar igama aha ee xirfaddayda iyo gabayga ayaa is doontay!!!.

Odaygii aad ayuu iisoo jiitay dhan walba, waa xirfadle, suugaanyahan, jaah wanaagsan, isku kalsoon oo haddana muruq maal ah, waan u duceeyey markaan ka tegay.

Waxaase jira dad xirfad ka dhigtay dhaqan aan hufnayn, oo ka macaasha wax aan adduun iyo aakhiro midna toolmoonayn, haba ugu sii darnaato siyaasadda soomaalidu!!, nin baa laga sheegay meel malyan doolar oo isku xiran maalin laga helo siyaasad baa jirta!!, waa yaab iyo af kala qaad in danta guud looga macaasho si gaar ahaaneed, waxaase ka sii daran in looba arko wanaag iyo diricnimo dheeraad ah.

Waagii aan kurayga ahaa oo soomaaliyana ahayd dawlad awood leh ayaan maqli jirey ayadoo la leeyahah hebel waa doqon, meel dhacdhac leh ayuu joogey muddo waxbana kama qabsan!!, guri ma dhisan!!, gaari ma gadan, qaraabadana waxba ma tarin!!.

Waxaase isku fuuqsaday siyaasadda burburka ee soomaaliya oo noqotay xirfad si xun loo isticmaalo, waxaad maqlaysaa madaxdii dalku waa is hayaan, markaasaa mid kale oranayaa daa hays hayaane, markaad tiraahdid oo maxaa jira wuxuu kuugu af celinayaa haddaysan is khilaafin yaaba wax helaya!!!, waxaa iigu yaab badnayd markuu mid igu yiri baarlamaanku waxay shaqaystaan markii madaxdu is khilaafto!!, runtii aad ayaan uga naxay hadalkaas, inkasta oo siyaasiyiin iyo xubno baarlamaan oo hufani ay jiraan haddana waxaa aad u batay rasnaantii waana waxa raagidinaya in lagu tallaabsado hannaan dawladnimo oo loo aayo!!.

Cismaan Yuusuf Keenadiid ayaa yiri erayadaan.

Tafaraaruqa kuwii inagu riday toodi suubsade e
Tacluus aan baxayn iyo bugtey nagu tallaaleene
Tubtii inaga leexshe iyo jidkii inagu toosnaaye.

Wuxuu farta ku fiiqayaa ajnabigii caadeystay in uu soomaalida isku diro iyo siyaasiyiintii xiriirka la kala lahaa awoodihii ku hardamayey soomaaliya, wuxuu sheegayaa in ayaguna ay dalkoodii dhisteen innagana ina jaah wareeriyeen!!, waaga Cismasn ka hadlayo iyo maantay waa kaaf iyo kaka dheeri toloow hadduu maanta joogi lahaa muxuu oran lahas?!!.

Qabyaaladdu waa tilmaan xun oo astaan qurux badan ka noqotay siyaasadda soomaalida, reer hebel aan bannaanka marino, reer hebel aan iska dhicinno, bakhtigaan u jarjarnay iyo hadallo aan milgo lahayn ayaanoqday kuwo si qiiro leh lok yiraahdo oo aan laga xishoon, dawladnimo iyo qabyaaladina ma wada socon karaan hadba waxaa adkaada tii dadku u jeellanyihiin, soomaaliya qabyaaladda ayaa ka xoog badan dawladnimada!!.

Cismaan Yuusuf ayaa isla tixdii aan mar dhawayd soo qaaday ku yiri erayadaan.

Xurmaa taqaddum keentee haddii lays tixgalin waayo
Toltol iyo qabiilnimo haddii la ina taabsiiyey
Teersana rag aan dhigan haddii talada loo dhiibay.

Dawladnimadu waxay leedahay qaab iyo baxaalli u gaar ah, qabyaaladduna waa qaab liita oo aadane xanuunsani ku dhaqmo, aqoontu waa tilmaan fiican waase haddii ay gasho qof wanaagsan!!.

Mar kale ayuu yiri Cismaan Yuusuf AUN.

Tashigiiba sida loo gafaan weli tabaayaaye
Tawfiiq ma noqon wiilashii taajka loo xiraye
Tahluukiyo wareer baa ka iman tay ku kacayaane.

Waa wax laga anfariiro marka aad aragtid habdhaqanka siyaasadda soomaaliya, Xamar waa ka taagantahay oo waxa hadda ka socda ayaa tusmo idiin ku filan, Garoowe sidoo kale waxaa ka soo muuqda tilmaamo aan fiicnayn waayo marba marka ka dambaysa waxaa soo kobcaya is diidanaanta iyo tinnaagada siyaasiyinta xilka ku loollamaya.

Mar kale ayuu Cismaan yiri.

Cadaw soo tashaday oo cabsida loo tawalay ruuxa
Laye tororog uun bay hayaan tiilka madaxdiiye
Dawladnimo tabtaa lagu dhaqaa tacaddi sow maaha?.

Allaylehe waa tacaddi, dad dhawr malyan oo qaxooti ah leh, dagaal iyo dil kasoo daalay, fatahaado iyo duufaanno ku habsadeen, dad aan wax sharaf ah dunidu u hayn, dad aan nolol iyo caafimaad haysan, oo madaxdoodu maalin walba kursi isku haysato midiba uu mid haaraamayo, aad mooddo in ay xukumaan dadkaan dad asn ahayn runtii waa mahadho aad u xun, waa geel ninkii lahaa dhacayo yas dhicinaya!! ama ruqo ninkii lahaa ku fadhiyo yaa kicinya? bal adba!!, runtii dawlad iyo dad sidaas lagu dhaqaa waa tacaddi aad u weyn!!, waxaase iiga sii daran dareen li’ida guud ee jirta oo dadaku waxaad mooddaa dhoohanayaal oo maba dareemin waxa jira mana garan waxa dantu ugu jirto iyo waxa kale, waa halays daba dhaboolo.

Odaygii asn tixdiisa ku hal qabsaday wuxuu ahaa nin fiican oo xooggiisa maala una ducaysanaya oon xalaal ah, laakiin siyaasiga iyo siyaasi ka warqabeenka ka baayac mushtara khilaafka, hoogga iyo ba’a dadkiisa ee leh ( Alloow keen khilaaf rag baan xeelad kale hayne) waa sida ka muuqata hab dhaqankooda e soo ma aha loo hareyaal kuwa ay xukumaanna soo reer ba’ayoow yaa ku leh ma aha?.

Tabcada iyo sirtoodii haddii taxadar loo waayey
Sidee lacag ku tacabtaa hadday toogadeen noqotay
Nin waliba tawaan yara hadduu tiisa ku ekaaday.
Cismaan Yuusuf Keenaddiid.

Waa inoo qormooyinka dambe haddii Alle idno…
W/Q Sheekh Fu,aad Xaji Maxamuud

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online