Booliska Kenya oo soo bandhigay sawirka wiil dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey qaraxii ka dhacay Nairobi.
December 16, 2013 - Written by EditorNairobi:-Ciidamada Booliska Magaalada Nairobi ayaa maanta soo bandhigay masawirka wiil dhalinyaro ah oo da’diisa lagu sheegay 21-sano jir ah laguna magacaabo Xuseen Nuur Maxamed, waxayna ku eedeeyeen inuu ka dambeeyay qaraxii habeen hore ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan agagaarka Saldhiga Pangani.
Qarax ayaa waxaa lala eegtay gaari kuwa BL-ka ah oo u kala goosha xaafada magaalada Nairobi.Qarax ayaa waxaa ku dhintay ilaa 8 qof oo 3 ka mid ah ay yihiin Soomaali waxaana ku dhaawacmay ilaa 25 qof waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa Cisbitaaladda magaalada Nairobi.
Taliyaha ciidanka Booliska magaalada Nairobi David Kimaiyo ayaa sheegay in Xuseen Nuur Maxamed lagu tuhunsan yahay qaraxii habeenimadii sabtidii ka dhacay xaafada Pangani waxaana uu sheegay in ciidanka amaanka Kenya ay haatan gacanta ku hayaan su,aalana la weydiinayo .
Ciidamada Amaanka iyo kuwa Sirdoonka Kenya ayaa ilaa haatan ka gaabsaday dhalashada wiilka dhalinyarada ah ee maswirkiisa ay soo bandhigeen .Dilalka iyo qaraxyada ka socda dalka Kenya ayaa waxay kordheen markii ciidamada Kenya ay galeen gobalada J/hoose iyo Gedo iyaga oo sheegay in ay amaankooda khatar ku jiro ayna la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka Daawo warbixin ku saabsan qaraxii shalay ka dhacay magaalada Nairobi
A/Cawale
Halgan.net